Badashada Shilalka Gaadiidka Oo Jawaabta Taliyaha Taraafiga

0
633

Picture2Hargeysa(Geeska):-Muddooyinkii danbe waxaa si aada ugu soo badanaayey gudaha Somaliland shilalka gaadiidka kuwaasi oo sababa dhimasho,dhaawac iyo khasaare maalba. Shilalkan ayaa la sheegay in sanadkii ina dhaafay ay dhaceen  dhawr boqol oo shil kuwaasi  oo gaystay khasaare nafeed iyo mid maalba,waxaana ay shilalka gaadiidku ay gudaha iyo dibada magaalooyinka waaweyne ee dalka ay ka noqdeen kuwa ugu khatarta badan ee ay dadku sida aadka ah ay uga baqaan.

Inta badan gaadiidka sababa shilalka noocan oo kale ah ayaa isagu jira gaadiidka waaweyn ee looyaqaano Waaraadada,Candhamaydlaha,Booyadaha,Iskarogooyinka,iyo sida oo kale gawaadhida yar yar ee nooca lagu raaxaysta ah oo iyaguna noqday kuwa ugu khaase gaysashada badan ee ka dhaca gudaha Magaalooyinka waaweyne ee dalka.

Khasaarahan nafeed iyo maalba ee ay sababaan gaadiidka gala shilalka aadka u xun ayaa waxaa loo sababeeyaa taxadir la’aan dhinaca wadayaasha gaadiidlayda ah maadaama aanay haysan waddooyin ku haboon in ay ku socdaan xawaare aad iyo aad u sareeya,waxaa sida oo kale iyaduna noqotay mid gudaha dalka Somaliland noqotay mid iska caadi ah in dhalinyaro farabadani ay iyaga oo aan aqoon buuxda u lahayn wadista gaadiidka ay hadana xawaare aad u sareeya ku ka xeeyaan gaadiidka.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Nabadgelayda Wadooyinka Somaliland Faysal Xiis oo ka hadlay wax yaabaaha sababa shilalka gaadiidka ayaa waxaa uu sheegay in ay sababaan taxadir xumo ka timaada dhinaca wadayaasha gaadiidka oo aan masuuliyad iyo taxadir iska saarin sidii ay iskaga ilaalin lahaayeen in ay galaan shilal nafahooda ay ku waayi karaan.

Taliye Faysal Xiis  ayaa sidan ka sheegay mar uu ka hadlaayey munaasibad lagu soo bandhigaayey qaadashada Liisamada Wadayaasha gaadiidka oo qaab casri ah loo sameeyey  kuwaasi oo ay soo bandhigtay Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryeynta,waxaana uu carabka ku dhuftay in ay wadayaasha gaadiidku ay si fudud ku qaataan Liismada Wadista gaadiidka taasina ay u sahlayso in wade kasta oo aan aqoon buuxda u lahayn kaxaynta gaadiidku uu isku dayo in uu socdaalo dhaadheer ku galo,waxaana uu ugu baaqay in Masuuliyiinta ku shaqada leh ay ka taxadiraan bixin liisamada oo ay sharcigeeda ay mariyaan dadka qaadanaya.

"Had iyo jeer horta waad ogtihiin anagu hadaanu gaadiidka aan  nahay dadku wax badan ayaa ay iswaydiiyaan oo shilal badan baa dhaca,sanadkii hore waad ogtihiinoo shilal fara badan ayaa dhacay,marka lays waydiiyo waxyaalaha sabab shilalkaasi,Kow waxaa kamid ah taxadir xumo ka timaada darawaliinta gaadiidkaasi oo inta badan waxaa lagu xantaa oo layidhaahdaa waar si fududbaa lagu siiyaa Liisamada,Waxaanan aad iyo aad aan u codsanayaa in liisamada la bixiyo aad iyo aad loo adkeeyo oo dariiqii sharciga ahaa ee uu leeyahay la mariyo oo qofku aanu si fudud aanu iskaga qaadan inteena masuulka ka ahi waxaa loo baahan yahay in aad loo adkeeyo"Ayuu yidhi Faysal Xiis