Hargeysa: Bilowga Dhismaha 20km Oo Shalay Lagu Kordhiyay Wadada Sallaxley Iyo Hargeysa

0
586

Picture3Sallaxley (Geeska) – Guddida dhismaha wadada cad ee isku xidhaysa Magaalooyinka Hargeysa iyo Sallaxley, ayaa shalay si rasmi ah u shaaciyey bilowga dhismaha wejiga labaad ee jidkaasi oo dhan 20KM isla-markaana ah Tuulada TOON ilaa INA-GUUXA.

 

20KM oo lacagta ku baxaysa guddidu ku sheegtay Milyan iyo badh doolar, ayaa Munaasibada lagu shaacinayey ka qayb-galay masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr Xuseen Maxamed Muxumed (Dr Xoog), Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan SOLTELCO, Madaxda xisbiyada Qaranka iyo marti sharaf kale oo uu ka mid ahaa Ganacsade Cumar Caydiid oo bixinaya 45% kharashka ku baxay 20KM ee shalay la bilaabay.

Sheekh Sheekh Maxamed Cali Geedi oo ah Guddoomiye ku xigeenka dhismaha jidkaasi oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi  “Wadada aynu maanta (shalay) bilaabaynaa waa 20KM (Toon – Qoolcaday), 5KM dawladda ayaa inoogu balan-qaaday (kharashkeeda), inaguna waxaynu bilaabaynaa 15KM, reerkuna nasan maayo ilaa inta la dhamaynayo, ILAAHAY waxaanu ka baryeynaa inuu noo hawl-yareeyo, Markaanu qiimayno waxa ku baxaya 1,425000 doolar”

Sheekh Maxamed Cali Geedi, waxa kale oo uu sheegay “15KM laba ayaynu u qaybinay oo qayb inaga ayaa qaadanayna, qaybna Cumar Caydiid (Ganacsade) ayaa inoogu balan-qaaday, qaybta aynu qaadanayna waxa ku baxaya 8,23000, ganacsade Cumar Caydiidna $ 600,000”ayuu yidhi.

Guddoomiyaha degmada Sallaxley Maxamed Ibraahim Xandule oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi  “Waxa farxad noo ah in maanta (shalay) la dhaqaajinayo wejiga labaad ee wadada Sallaxley oo ah Toon ilaa Ina Guuxa, waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu himiladeena inoo suurto-galiyo, dadka reer miyiga ah ee hore xoolaha ugu baxay wadadani imikana waxay diyaar u yihiin inay gacan labaad iyo saddexaadba ka geystaan si ay wadadaasi oo dhamaata ay u arkaan”

Boqor Raabbi Yuusuf Cabdilaahi, ayaa isaguna tilmaamay “Ciddii wax isla haysa waxaan leeyahay cid wadadaa socon siinteeda carqaladaynaysaa ma jirto, waxaan u mahad-naqayaa Cumar Caydiid oo ah muftaaxa koowaad ee furay ah, waxaanan leeyahay ILAAHAY maalka ha u barakeeyo, waxa la ii sheegay in dawladda 5KM balanqaaday, waxaan leeyahay 5KM way yar tahay ee reerka waxaan leeyahay  cidna ha isku haleynina ee isku tashada, cid kasta oo danaynaysana waxaan leeyahay waar waxaad haysaan ku soo darsada, anaguna wax aan wanaag ahayn oo aanu kaga qayb-qaadanaynaa ma jiro”

Maayarkii hore ee Caasimadda Hargeyesa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa isaguna Munaasibadaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa yidhi  “Wadooyinku waa waxyaabaha dawladuhu isku caawiyaan, laakiin waxa nasiib wanaag ah in dadka reer Somaliland isku tashadeen oo ay iyagu bilaabeen waxyaabihii ay dawladuhu isku caawin jireen ee ay samayn jireen, waxaan leeyahay wadadani sharaf ayay inoo tahay reer ahaan iyo Somaliland ahaanba, waxaan u mahad-naqayaa dadkii ka qayb-qaatay inay hirgasho intaa hore ee la qabtay iyo inta ku talo jirta inay imika ka qayb-qaadato”

Maayarkii hore waxa uu amaanay Maamulka dawladda hoose ee wakhtigan “Ragga sharafta leh ee jooga dawladda hoose doorkii aanu wadadan ugu jirnay waa laga filayaa, wayna ku khusban yihiin”ayuu yidhi.

Munaasibadan oo ay ka hadleen masuuliyiin dhowr ah ayaa isaguna ka hadlay xildhibaan Khadar Xuseen Aaden (Khadar Ambassador) oo ah Mulkiilaha huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa, waxaanu halkaasi kaga dhawaaqay inuu bixiyey jayga jidkaasi la dhigi doono, isaga oo horena u bixiyey daamur faro badan.

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa isaguna Munaasibad bilowga jidkaasi ka soo jeediyay hadal kooban “Si loo muujiyo in Somaliland mid tahay waa in mashruucii meel laga bilaababa loo midoobo, dawladduna waa inay xilkeeda ka soo baxdo, waana in dhismaha wadooyinka loo midoobaa”ayuu yidhi

Xafladan oo sidoo kale ay hadalo ka soo jeediyeen xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ah afhayeenka xisbiga Waddani Iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel) oo amaanay dedaalka beesha Sallaxley iyo ciddii taageeraysaa wadadaasi ugu jiraan sidii ay u dhamaystiri lahaayeen.

Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO), oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay dawladda hoose oo kaashanaysa wasaarada duulista hawada Somaliland ay dhisayaan jidkaasi qaybtiisa Hargeysa u soo dhow oo aan ilaa hadda daamur aan la saarin, sidoo kalena ay ka qayb-qaadanayaan wixii kale ee looga baahdo, sida booyada daamurka saarta wadooyinka.

Guddoomiyaha Guddida dhismaha jidka Sallaxley iyo Hargeysa Rashiid Maxamed Jaambiir oo isna halkaasi ka hadlay ayaa u mahad-naqay guud ahaan dadkii xaflada ka qayb-galay ee dhaqaalaha ku yaboohay, kuwaasi oo aad u faro badnaa, isaga oo sidoo kalena aad u amaanay una duceeyay dadkii hore uga qayb-qaatay dhismaha jidkaasi oo uu ka mid yahay Ganacsade Cumar Caydiid.

Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi-waraabe) ayaa isaguna kalmado kooban ka yidhi Munaasibada waxaanu yidhi  “Haddii aynu aakhiro iyo adduunkaba wax umadda anfaca oo Somaliland anfaca oo inaga khaas ahaan ina anfaca haddii aad isugu timaadeen waanu idiin Mahad-naqaynaa”

Ugu dambayn, waxa halkaasi ka hadlay isla-markaana shahaado sharafyo guddoonsiiyey shirkaddihii iyo shakhsiyaadkii dhismaha wadada ka qayb-qaatay Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Xuseen Xoog.

Waxaa Xusid Mudan oo Munaasibada loogu mahad naqay shirkada Telesom oo door ku leh dhismaha wadada.