Weftigii Addis Ababa tagay oo qaar ka mid ah fiisihii loo diiday

0
638

Addis Ababa (Geeska)-Weftigii Somaliland ka socday ee magaalada Addis Ababa u tagay ka qayb galka shirka Ingiriiska ee Addis Ababa ku sugnaa ayaa intoodii badnayd loo diiday dal ku galkii Ingiriiska.

Weftigan oo si habaqle ah ku tagay magaalada Addis Ababa, ayaa waxa la sheegay in in dal ku galkii la siiyay  8 xubnood oo ka mid ah 18-kii xubnood ee ay ka koobnaayeen, waxaana xubnaha la siiyay ka mid ah Axmed Cabdi Xaabsade, Axmed Yuusuf Yaasiin, Xaaji Cabdikariim Xuseen, Xildhibaan Mahdi, Muuse Biixi Cabdi iyo Cali Aareeye oo labadoodaba maanta la siinayo iyo laba xubnood oo lagu siiyay magaca saxaafadda, kuwaas oo kala ah Afhayeenka Madaxweynaha Cabdillaahi-cukuse iyo Yuusuf Cabdi Gabobe oo ah guddoomiyaha Wargeyska Haatuf.

Waxaana xalay iyo saaka subaxnimadii hore ka soo baqoolay magaalada Addis Ababa xubno wasiiro ah iyo rag kale oo la sheegay inay hore madaxtooyadu ugu dirtay Addis Ababa si ay shirka Ingiriiska uga qayb galaan. Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, oo la filayay inuu maro magaalada Addis Ababa ayaa ka wareegay dhinaca magaalada Nayrobi, waxaana la aaminsanyahay inuu Madaxweynuhu doonayay inuu ka weji dadbo masuuliyiintiisan dal ku galka loo diiday.