“Hantida Qaranka Ee Shirkado Iyo Dad Gaar Ah Lagu Siiyey Sifo Sharci Daro Ah, Baadhitaan Halagu Sameeyo”

31
2630

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab Nuur

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab Nuur, ayaa soo dhaweeyey dhulka raasiga ee Madaxweynuhu amarka ka soo saaray, waxaanu ku taliyey in hantida qaranka ee ay umaddu wada leedahay ee sifo sharci daro ah lagu bixiyey in dib loogu soo celiyo gacanta Dawladda,

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab Nuur, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Wasiirka Qorsheynta Somaliya ee dalka yimid iyo Maamulka Hawada Somaliland ee Somaliya lagu wareejiyey, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay“Todobadii sanno iyo badhkii ay Xukuumaddii hore Kulmiye ina xukumaysay ayaa keenay inay Wasiiradda Somaliya iska tamashleeyaan dalkeena, oo masuuliyiin badan oo Somaliya ahi dalka yimadaan, oo siday doonaan dalka iskaga dhex qaadan, una socdaan, oo marba in halbawle muhiim ah oo qaranku leeyahay marba lala wareego, sida maamulka hawada Somaliland iyo heshiisyadii baadilka ahaa ee ay soo camcamiyeen, doc faruurna wey ku sameeyeen Somaliland, Xukuumaddii hore taladda dalka iyada ayaa hogaaminaysay, oo masuuliyadda iyada ayaa qaadanaysa taariikh ahaan, laakiin dhammaan Xukuumaddaha Kulmiye ee kala dambeeyey, ama tan ha noqoto ama tii hore ha noqotee, waa hawl ay ka siman yihiin, waayo Xisbiga Kulmiye goob joog buu ka ahaa Madaxweynaha hadda”.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani mar uu ka hadlaayey Raasiga Dekadda Berbera ayaa yidhi “Waanu soo dhaweeynaynaa meel kasta oo muhiim ah oo dalkani leeyahay, oo sifo sharci daro ah ku baxay in la soo celiyo, waana talaabo wanaagsan in Raasiga la soo caliyo, laakiin waxa jirta in Raasigu ka mid yahay bugcada dhulka muhiimka ah, ee qaranku leeyahay, ee berbera ku teedsan, ee xeebta ku teedsan, ee Berbera ee lala wareegay, in wixii manfac dalka u lahaa ee dadka ka dhexeeyey wey balaadhan yihiin ee dhammaan ha loo soo caliyo, wixii Dekadda hareeraheeda laga bixiyey, iyo hantida kale ee la bixiyeyba, hantida qaranka ee Shirkado iyo dad gaar ah la siiyey, ee sifo sharci daro ah lagu bixiyey baadhitaan lagu sameeyo, qarankana gacantiisa ha lagu soo celiyo”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here