Suldaan Ismaaciil Oo Madaxweynaha Ku Bogaadiyay Soo Celinta Dhulka Raasiga

24
2651

Hargeysa (Geeska)-Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed, oo ka mid ah Madax-dhaqameedka dalka, ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, ayaa digniin u diray Masuuliyiinta xilalka ka haya Somaliya, ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, waxaanu uga digay inay dalka yimaadan, madaama ay qaateen mab’da aan ahayn Somaliland, xilli Wasiirka Qorsheynta Somaliya uu yimid Gobolka Sanaag, gaar ahaan Badhan.

Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Xukuumadda Muuse Biixi, Raasiga Dekadda Berbera iyo qodobo kale, waxaanu ugu horeyn yidhi “Madaxweynaha waan ku taageersan nahay inuu joojiyo Raasiga oo uu hantida umadda ilaaliyo, oo wixii khaldan uu toosiyo, go’aankiisaana waan ku raacsan nahay, anigoo ah Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan”.

Suldaan Ismaaciil mar uu ka hadlaayey Wasiirka Qorsheynta Somaliya ee dalka yimid ayaa yidhi “Somaliya wada hadal siyaasiya ayaa inoo socday, inay xaggeena laga carqaladeeyo wada hadaladaas ma jeclin, in dhankooda laga carqaladeeyana ma jeclin, waxaan se leeyahay Somaliya inta wada hadalkeenu midho dhal gaadhayo waxaan ka digayaa inaad xad gudub sameeyaan, aynu is tixgelino, qodobadii aynu ku wada hadalnay aynu wada xaq dhawrno,faragelintana joojiya, ninka Wasiirka ah ee yimidna, uma aragno nin wasiirnimo ku yimid, waxaanu u aragnaa inuu yahay nin shicibnimo ku yimid, oo qoyskiisa soo booqday, masuuliyiinta Somaliland ka soo jeeda ee Muqdisho jooga waxaanu uga digaynaa in aanay Somaliland iyo Somaliya isku dilin, ee halkay joogaan ha ku eekadaan, oo madaama ay qaadeen mab’da ka duwan Somaliland, oo Somaliya shaqsiyaad ku yihiin, ee shaqsinimadooda ha ku joogaan, oo xafiisyadooda iyo wasaaradahooda ha ku eekadaan, oo yaanay diraa diraale ka dhex noqonin Somaliland iyo Somaliya”.

Suldaan Ismaaciil mar uu ka hadlaayey Maamulka Hawada ayaa yidhi “Somaliland waa Dawlad leh dhul, cir iyo bad, inta xuduud qaran leeyahayna Somaliland wey leedahay, cidna uma daba fadhiisanayso, ninka yidhi hawadaada ayaa xukumaa, waxa ka sukeeya hawada waa dhulka, cida awdooda leh ee iska dhaadhicisay hawada ayaan xukumayaa dhulkana ma xukumayo waa cid riyoonaysa, Diyaaradaha Somaliland dulmarayaa, ee hawadeena marayaa, waa inay Somaliland uga amar qaatan, wixii sharciya iyo wixii nidaam lehna Somaliland baa looga amar qaadanayaa, cid kale oo wax laga weydiinayaa ma jirto, go’aankaas ay Xukuumaddu qaadatayna waa go’aan aanu ku taageersan nahay, in mar walba qaranimada Somaliland la ilaaliyaana waa muqadas, Somaliyana waa dal aynu jaar nahay, in Somaliland hadimo uga tagto ma jeclin, inay dhankeeda hadimo ka timaadana ma jeclin, Somaliyana waxaan leeyahay inta aan hawada Somaliland maamulkeeda la soo gaadhin, Vila Somaliya ayaa maamul iyo sugida amaankeeda u baahan, ee ha ku mashquulina waxaan waxba idinka dan ahayn”.

Suldaan Ismaaciil mar uu ka hadlaayey Wasiiradda Xukuumadda Muuse Biixi ayaa yidhi “Madaxweynaha waxa loo doortay inuu soo dhisa Xukuumadda iyo Golihiis Wasiiradda, haddii uu magacaabo toban wasiir iyo labaatan wasiirba isaga ayaa loo doortay, laakiin waxaan leeyahay si uu Madaxweynuhu inoogu fikiro, oo horumarkeena ugu fikiro, waa in la taageero, oo la raaco, oo la soo dhaweeyo, hadba wixii uu maskaxdiisa ka soo tuujiyo, oo mucaarad iyo muxaafidba waa in danta qaranka loo midoobo, oo yaanan noqonin ruqo ninkii hayaa daba hayo, ma kacdo, ee yeynaan arinka sidaas ka dhigin”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here