Sarifilayaasha Oo Madaxweynaha Baaqay Inay Ku Dhiiradaan Wax Ka Qabashada Sicir-bararka

28
2463

Hargyesa(Geeska)-Guddoomiyaha sariflayaasha Somaliland Axmed Xasan Mataan ayaa madaxweynaha ku amaanay gudida loo saaray xalinta sicir-bararka iyo qiime dhaca lacagta, waxaanu ugu baaqay madaxweynaha in haatan loo baahan yahay in lagu dhiirado sicir-bararka oo wax ka qabashada sicir-bararka la beegsado.

Qoraal kooban oo uu guddoomiyaha sariflayaashu soo gaadhsiiyay wargeyska Geeska Afrika ayaa waxa uu isaga oo dhamays tiran u dhignaa sidan”Haddii aanu nahay ururka sariflayaasha ee Somaliland ee magaciisu yahay Wadajir, waxaanu marka hore u diraynaa hanbalyo iyo bogaadin madaxweynaha cusub iyo xukuumadiisa,madaxweynaha waxaanu Alle u waydiinaynaa inuu xilka u fududeeyo mid umadda wax u qabtana uu ka dhigo.

intaas ka bacdi haddii aanu nahay ururka sariflayaasha Somaliland waxaanu si buuxda u taageeraynaa wado kasta iyo sifo kasta oo sicir-bararka wax la’gaga qabnaayo, waxaanu madaxweynaa ku hanbalyaynaynaa gudida uu u magacaabay wax ka qabashada sicir-bararka.

1- Waxaanu si buuxda u taageeraynaa lana shaqaynaynaa gudida uu madaxweynuu magacaabay.

2-Waxaanu ka digaynaa in gudidu ay noqoto gudida ay xukuumadii hore magacawday oo kale, oo hawshii loo diray talo bixin ka keenay socodsiina waayay.

3-Waxaanu ka codsanaynaa madaxweynaha iyo gudidanba inaanu kulan toos ah yeelano maadaama oo aanu qayb ka nahay arimahan laga hadlaayo.

4-Madaxweynaha waxaanu ka codsanaynaa inuu fulinteeda yeesho waxii gudidaasi ay soo saarto ee lagu xalinaayo wax ka qabashada sicir-bararka, si ka duwan sidii hore.

5-Gudidu ha ku darsadaan shaqadooda in lacagtii dalka ay meesha ka sii baxayso.

6-Waxaanu uga digaynaa cid kasta oo isku dayda inay khalkhal iyo sicir-bararka u horseedo umadda in aanu si toos ah ugu gudbin doonaan Baanka Dhaxe hadii uu wax ka qaban waayana aanu xukuumada toos u gaadhsiin doono.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here