Dawladda Somaliya Oo Sheegtay In Maraykanku Dilay Sarkaal Al-Shabaab ka Tirsan

0
849

Picture4Muqdisho(Geeska/W.Wararka)-Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ee Drones ayaa duqeeyey duleedka magaalada Saakow ee Somaliya Isniintii doraad, sida uu xaqiijiyey afhayeenka Gaashaandiga Maraykanka.

Admiral John Kirby oo ah afhayeenka Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka ee Pentogan ayaa xaqiijiyey duqeynta ka dhacday Isniintii duleedka magaalada Saakow ee gobalka Jubbada Dhexe.

Geesta kale, Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la dilay Taliyihii Guutada Amniyaatka iyo Sirdoonka ee Al-Shabab oo magaciisa lagu sheegay Cabdishakur Tahliil.

War saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Hay'adda Sirdoonka Somaliya ee NISA ayaa lagu sheegay in Tahliil lala dilay laba nin oo kale. Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in Tahliil uu beddelay Sakariye Ismaaciil Xirsi oo dawladda Soomaaliya sheegtay inuu ku jiro gacanta hay'adda NISA.

Duqeyntan ayaa imaneysa wakhti kooban kadib markii la sheegay inuu isa soo dhiibay Madaxii sirdoonka iyo Dhaqaalaha Al Shabaab Sakariya Ismaaciil.

Maraykanka ayaa ka gaabsaday inuu sheego Hogaamiyaha Al Shabaab oo ay duqeeyeen balse waxaa la filayaa inuu yahay Hogaamiyaha ugu sareeya ee Al Shabaab.

Admiral Kirby ayaa sheegay inay hada aruurinayaan xogta kadib duqeyntii isla markaana shaacin doonaan natiijada duqeyntaasi xiliga ay ku haboontahay.