Halyay Ku Dayasho Mudan Baa U Kacay Somalida Ethiopia

21
788

Picture1Soyaalka Noloshu wuxuu sheegayaa in umad walba mustaqbalkeedu ku xidhan yahay nooca hoogamiyaha ay talada u dhiibato, Nasiibkuna waxaa uu umadaha aduunka ku kala keexeyaa hadba nooca hogaamiye ee umadi hesho.

Ummadi hadey weydo Hogaamiye il-dheer, horusocod ah, aragti fog, Dacad ah, oo Sidoo kalena u dhashay karti, aqoon, adkeysi iyo in uu ka caaganyahay musuqmasuq si uu u  rumeeyo  RAJADA SHACABKA,  umadaasi waxay noqotaa ummad dib u dhacda oo ka hadha tartanka aduunku ugu jiro nolosha guusheeda. Sidaas darteet waxaan qormadan u qoray ka dib markii aan la dhacay horumarka madaxweynaha Somalida Ethiopia Mudane Abdi Mahoud Omar, uu gaadhsiyay ummadiisa Somalida Ethopia taas oo xitaa cashar ugu filan dhamaan Somalida ku hungowdey in ay mar uun helaan hogaamiyaha ay u qalmaan ee rumeyn kara Rajadooda.

Intii aanu Madaxweyne ka noqon kililka-shanaad ee Somalida Ethiopia mudane Abdi Mahamoud Omar, waxay tariikhdu ka marag kacaysaa in kililka Somalida Ethiopia ahaa kilil  dib u dhacay oo aad uga danbeeya shucubaha iyo kililada kale ee Ethiopia, waxaanu kililku ku suntanaa meel uu musuqmasuq daashadey oo adagtahay in la soo gaadhsiiyo kililada kale ee Ethiopia, sidoo kale Casimada kililkuna waa jigjigee, waxay ahayd mid aan la tartami Karin casimadaha kililada kale ee dalweynaha Ethiopia.

Madaxweynahan la mahadshay intii uu xilka hayay waxa uu ku talaabsadey talaabooyin wax ku ool ah oo aan tusaale uga soo qadan karno qaar ka mid ah guulaha aan la tirin Karin oo anigu maanta aan ka soo qaatey dhawr uun inta bog ii qadi karo!

Abdi Mahamoud Omar, wuxuu dib u dhis balaadhan ku sameeyay casimada kililka Somalida Ethiopia, adiga’oo marka aad maanta tagto Jigjiga indhahaga ku arkaya horumarka baxada leh ee ka muuqda ama  ka socda Jigjiga sida wadooyinka, laydhka wadooyinka la raacshey, dhimayaasha casriga, iyo dhigida dhagaxa la qoray.

Hadaad eegto dhinaca wadaniyada oo ah mida ugu muhiimsan Abdi Mahamoud Omar, waxaa u ku guulaystey in Somalida Ethiopia u dhacsiiyo in ay yihiin qoomiyad ka mid ah qoomiyadaha Ethiopia, halkii ay uga soo hanqal tagii lahayeen Somaliyada kuftey ee dib u soo kici kari weydey. Isaga oo hurumariyay wadaniyada iyo dhaqanka  taas oo keentey in markii ugu horaysay ay Somalida Ethopia ay  u hesaan calankooda Somalida Ethiopia iyo ka  ay la wadagaan Ethiopia oo dhan.  sidoo kalena ay hurumariyeen dhaantadii kililka caanka ahayd iyo sameynta TV calamiya oo soo gudbinayaa waxkastoo ku saabsan horumarka dhulka iyo ismaamulka Somalida Ethiopia.

Abdi Mahamoud Omar, waa madax weyne kartiidiisu u samaxdey in uu safar dhulka ah ku tago dhamaan gobolada iyo dagmooyinka dhul weynaha Somalida Ethiopia,  socdaladan oo ay ugu denbaysay kii loo baxshay Sama-Wade ee Harshin ilaa Gashamo. Talabadan oo ahayd mid uu madaxweynuhu dhinaca fican u qaday madama oo ay dadka halkaas dagaa ay wax badan tabanayeen waxay ahayd guul in madaxweynuhu dadkaas u tago oo u geed hoostiis la fadhiisto si u’maqlo tabashooyinkooda wana astaan nadir ku ah hogaamiyaysha African gaar ahaan Hogaamiye sinjiga Somali ka ah.

Waa madax weyne da’ yar oo dhamaan Golahiisa xukumada ay ka mid yihiin dhalinyaro aqoon yahan ah, taas oo daliil u ah in uu rabo in helo koox xoogan oo adkeysi u leh jidka dheer ee loo marayo rumaynta rajada shacabka. Waana astaan mujinaysa in ay madaxweynaha ay ka go’antahay in uu wax qabto.

Waa Madaxweynihii ugu horeyay ee soo bandhiga in uu wax ka qabanayo halka ugu daran shacabka xoolo dhaqatada ah ee Somalida Ethiopia,  isagoo ku nadray mudnaana uga dhigay xukumadiisa in ay wax ka qabtaan biyo yaraanta iyadoo qorshuhu yahay in la soo saaro biyo wixii dhulka ku jira, in la keydiyo  bar kasta oo biyo ah oo cirka ka soo dhacda iyo in laga fa’iideysto biyaha socda ee wabiga Juba ilaa heer u reer guraagii  u ka dhigay xoolo dhaqato beeraleey!

Madaxweynahan dada yare e u kacay Somalida Ethiopia wuxuu hayaa wado u samaxaysa in kililka somalida Ethopia ka mudho dhamaan kililada kale ee dalweynaha Ethiopia.lana tartamo aduunka intiisa kale.  Ugu danbayn qalinkeyga waxaan fariin ugu diri lahaa Madaxweyne Abdi Mahmoud Omar, anigoo leh…. Madaxweyne ha nasan oo sii wada dadaalka horusocodka ah ilaa aad aragto dhamaan ummada aad madaxweynaha u tahay oo ugu yaraan tuulo kasta ay yeelato school, helaan biyo nadiif ah, Cafimaad, Koronto, isgaadhsiin, wadooyin u samaxa in ay ku xidhamaan suuqyada waaweyn ee Ethiopia iyo in aad kor u qaado dakhliga soo gala qofka.

Madaxweyne wax ka baro guulihii ay soo hoyeen hogamiyaashii tariikhda galay ee Lee Kuan ee Singapore, sheikh Mohamed bin  Rashid Al-Maktoumka Dubai ee wali nool iyo Abihii Ethiopia cusub ee Meles Zenawi ee dhawaan geeriyooday!!

 

Cabdikariim Axmed Mooge

Hargeysa, Somaliland

Comments are closed.