Guddoomiyaha Haweenka Maroodi-jeex Ee WADDANI Oo U Jawaabtay Madaxda Samo-falka Dib-u-dejinta

8
641

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha garabka haweenka ee Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Caasha Maxamuud Dage, ayaa xisbiyadda Mucaaradka ah ka difaacday eedaymo kaga yimid agaasimaha xafiiska Samafalka wasaaradda dib u dejinta Aamina Maxamuud Diiriye, kaasi oo nuxurkiisu ahaa in xisbiyadu ay qoraalo amaanka dalka dhaliilaya u direen shirkaddii baadhista shidaalka ee dalka ka baxday.

Caasha Maxamuud Dage, ayaa qoraal ay xalays oo gaadhsiisay Wargeyska Geeska Afrika ku tidhi sidan “Anniga oo ah Guddoomiyaha garabka haweenka gobolka Maroodi/jeex ee xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Caasha Maxamuud Dage, waxaan doonayaa inaan halkan ugu jawaabo Aamina Maxamuud Diiriye oo ah agaasimaha samafalka Madaxtooyada hadal loo soo dhiibay ay saxaafadda Marisay oo lagaga been abuurayo xisbiyadda Mucaaradka ah, kaasi oo u dhignaa sidan “Xisbiyadda Mucaaradka ahi waxay qoreen waraaq oo ay u direen shirkadaha dalka ka baxay oo ay leeyihiin dalku amaan maaha.

Xaasha, xisbiyadda Mucaaradku ma geyaan in hadalkani la yidhaahdo, waxaana looga fadhiyaa cadaynteeda, waxaan aaminsanahay in xisbiyada Mucaaradka ahi uga ;lexejeclo badan yihiin dalka xisbul xaakimka, waxaana caddayn u ah boobka ay xoolihii umadda ku hayaan oo ay u dambaysay tii madaarka Hargeysa oo ay xukuumadda ku fashilmay, waxa nasiib daro qarankan ku ah in dadkii qurba jooga ahaa ay muddo 10 cisho ah ku cadilan yihiin xafiiska Ethiopian Airlines hortiisa, welina aan xal waara loo helin, waxaan aad u cambaareynayaa hadalka uu Madaxwaynuhu xisbiyada mucaaradka ah ku sheegay afmiishaariin, Madaxwayne waxaad difaacday Wasaaradda duulista hawada oo ay dul hoganayaan musuqmaasuq baahsan, waa nasiib daro in adiga oo aan baadhin waxa dhacay aad difaacdid musuqa ka jira Wasaaradda duulista”

Comments are closed.