Halkudhegyo Cibaaro Iyo Xikmad Ku Kordhin Kara Isfahamka Ragga Iyo Haweenka Iyo Guud Ahaan Nolosha

0
6694

Haddii qalbigu jabo, wax kasta oo ku lammaanaana waa uu raacaa.

– Gabadhu hayn yaraanta kama xumaato illaa ay aragto gabadh kale oo ka hayn badan.

– Diblumaasiga runta ahi waa ninka dhalashada xaaskiisa xusa, laakiin aan da’deeda xasuusan.

– Marka keliya ee ay gabadhu sheekada ninkeeda danaysaa waa marka uu gabadh kale ka sheekaynayo.

– Abidkaa afadaada ha weydiin waxa ay doonayso, haddii kale dalabaadkeeda u dulqaad yeelo.

– Ha raadin in xaaskaaga aad mar kasta heshiis ahaataan, laakiin ka shaqee mar kasta in aad isku aragti ahaataan.

– Dadku qofka lacagta jecel waa ay caayaan, ka lacagta necebna waa ay caayaan.

– In aynaan cadowgeenna jeclaanin waa xikmad.. waxa se’ ka sii weyn in aynu saaxiibbadeen jeclaanno.

– Haddii aad jacayl badan raadiso, ogoow in aad murugo badanna raadisay.

– Ninku ha fahmo in aanay waxba ku kala duwanayn gabadha ogolaatay in ay gabadh kale kula khiyaamayso  iyo gabadha ogolaata in ay nin kale adiga kula khiyaamayso (In Xaaskaagu ku khiyaamayso iyo in aad adigu khiyaamaysaa waa isku mid)

– Saddex qolo oo dadka ka mid ahi ma’ fahmaan dumarka, waa carruurta, dhalinyarada iyo waayeelka.

– Gabadhu waxa ay leedahay awood kasta oo ay ninka maankiisa ku qabsan karto, laakiin nasiibwanaaggu waa in aanay gabadhu awooddeedaas ogeyn.

– Waa ay adag tahay in aad hesho gabadh nolosheeda mar keliya wax jeclaatay.

– Ma jiro qoyaan ka hor qallali og ilmada gabadha.

– Sida ubaxa quruxda badan qaarkii aanu udug u lahayn ayaa qalbiga dumarka quruxda badan qaarkoodna jacayl lahayn.

– Gabadha waxaa ka suurtawda in ay toobka arooska dartii u guursato (In sababta guurkeedu aanay ahaynba jacayl ay ninka u qabto, balse ay tahay jacayl ay arooska iyo toobka u qabto)

– Ninka qaladkiisa u qirta gabadha waxa uun uu korodhsaday in uu abidkii eedaysane agteeda ka ahaado.

– Kiniinka hurdada iyo jacaylkaba intooda yari waa raaxo, in la isku badiyaana waa dilaa.

– Ragga inta guurka ku degdegtaa waa inta daacadda u ah qoysnimada iyo gabadha keliya.

– Dhawrista hiddaha iyo dhaqanka loogama jeedo in dad nool aynu kala mid dhigno kuweennii hore ee dhintay, balse waxaa looga jeedaa in dadkeennii hore ee dhintay aynu ka dhigno kuwo nool nolosheenna maanta.

– Haddii aad gabadh shar badan guursato, waa ay ku dili. Haddii aad gabadh wanaagsan guursatana adiga ayuun baa naftaada dili.

– Laba dumara oo isfahamkoodu sarreeyo haddii aad aragto, labaduba waxa ay neceb yihiin odayaashooda.

– Dumarka, bisadaha iyo shimbiruhu waxa ay iska shabbahaan in ay kuligood cumrigooda kala badh ku lumiyaan is qurxin.

– Waxaa hubaal ah in haddii aanay dumarku jiri lahayn ay is burburin lahaayeen raggu, dumarku waa sida buushka weelka quraaradad ah loo dhexeysiiyo.