“Cadaalada Darada Ugu Weyn Ee Dalka Haysataa Waxay Ka Timaada Garsoorka, Xukuumada Iyo Baarlamaanka

0
523

Picture6Hargeysa(Geeska):-Siyaasiga Eng: Maxamed Xaashi Cilmi oo sida oo kalena ka tirsan siyaasiyiinta ku bahoobay madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka ayaa baarlamaanka Somaliland uga digay in muddo kordhin ay u sameeyeen xukuumada madaxweyne Siilaanyo ee hada talada dalka haysa marka uu wakhtigeedu uu dhamaado sanadka soo socda badhtamihiisa.waxaana uu sheegay in aan laga aqbali doonin haddii ay baarlamaanku ay talaabadaas ku dhaqaaqaan,isaga oo taa badalkeedana ugu baaqay baarlamaanku in ay xilka ka qaadis ku  keenaan xukuumada Siilaanyo marka uu wakhtigeedu uu dhamaado.

Eng:Maxamed Xaashi Cilmi ayaa hadalkan ka sheegay munaasibad lagu xusaayey maalinta xuquuqul insaanka oo ay soo qaban qaabiyeen qaar ka mid ah dadka u dhaq dhaqaaqa xuquuqul insaanka Somaliland oo ka dhacday hotel Crown ee magaalada Hargeysa.waxaana uu sheegay in xukuumadu ay sanadka soo socda miisaaniyada sanadeedka ay baarlamaanka mushaharkoodii ugu dartay 1000-dollar,isaga oo xusay in u jeedka laga leeyahayna uu yahay oo qudha sidii ay xukuumada hada jirtaa ugu sii gogol xaadhi lahayd in baarlamaanku uu muddo kordhin u sameeyo,waxaana uu tilmaamay in muddo kordhin ay sameeyaan baarlamaanku ay xaaraan tahay.isaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftay in lacagta la siinayo baarlamaanka wax loogu tari lahaa dadka saboolka ah ee ku dhaqan gudaha Somaliland.

"Arrinta kale haddaan dhalinyarta iyo dadka saboolka ah wax loo qaban waligeed hagaagi mayso tani,waayo dadka saboolka ahi waxaa ay u baahan yihiin shaqo,waxay ku noolaadaan ayey u baahan yihiin,waxii kolka ay xaq ku waayaan xaq darro ayey ku raadinayaan,dawladina dhisnaan mayso haddii aan dadka saboolka ah daryeelkooda laga dhigan arrimaha ugu waaweyn,waxaa la yidhi baarlamaanka waxaa loo kordhinayaa $1000-Dollar mushaharkoodii oo sanadka soo socda ayaa miisaaniyada loogu darayaa,kunkaasi dollar waa laaluus,waxaa loo siinayaa in ay kodhiyaan wakhtiga oo ay muddo kodhintii ayaa 2015-ka loo sii dhaq dhaqaayaa,waayo kunkaa dollar ee loo kordhinayaa sanadkii Toban kun oo qoys oo sabool ah ayuu fara-qabsi u samayn lahaa”Ayuu yidhi Eng:Maxamed Xaashi.

Siyaasi Maxamed Xaashi Cilmi,isaga oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu ugu baaqay baarlamaanka Somaliland in aanay noqonin xaaraan quutayaal oo ay iska diidaan lacagta loogu daray miisaaniyada sanadkan,waxaana uu yidhi:“Kolkaa waa laaluush lagu laaluushayo ee waxaan leenahay kordhisku waa xaaraan,waxa aad ku qaadataana waa xaaraan,kolkaa xaaraan quutayaal yeydaan noqonin ee kordhiskaa ka baxa oo dawladu marka ay xilkaa qabsan kari weydo ku qaada dambiga ay gashay oo xilka ka qaada,Baarlamaankoow dawlada abaal gud ha uga dhigin kolka ay xilkeeda ka soo bixi weydo in aad mudada u kordhisaan,laydin kana yeeli maayo doorkan haddii aad doorar hore aad samayseen.Waxaan odhan lahaa cadaalada waxaa baabi'iyey oo dawlada gacan ku siiyey waa baarlamaanka waayo baarlamaanku haday ka daba tagayaan oo ay iyagu baarlamaan is haysta ay yihiin oo waxaa ay u dhaarteen ka dhabaynaya ay yihiin ma bay dhacdeen sidaasi.Kolkaa cadaaladu waxaa ay ku iman kartaa dadka oo la daryeelo,saboolka oo wax loo qabto,xaq darada oo laga daayo,horumar la sameeyo,shaqooyin loo abuuro ayey ku iman kartaa,laakiin afka baarkiisa kuma iman karto,guryo waaweyn oo la dhisto iyo dhulkii dawlada oo la boobo,waxba inooguma hagaagayaan,waxaan qabaa inta ay dawladu xumaynayso,baarlamankuna ka hurdo,waxba inoo hagaagi maayaan,dalkani waxaa uu u baahan yahay ictiraaf.shir aan waxba ka soo baxayn oo ma dhalays ahna wakhtigii waa lagu lumiyey waaba aynu ka goosanee maxaa shirkooda inoo gaynaya.sharciyadii ahaa lama taabtaan ee ka hadlaayey Hawada,dhulka iyo badu in ay lama taabtaan yihiin,hadana maanta waxaan maqlaayey Somaliya ayaa lagala shiraya”. Eng:Maxamed Xaashi Cilmi,waxaa uu sheegay in cadaalada darada dalka taala ay ka timaado haayada Garsoorka isaga oo carabka ku dhuftay in aan gudida cadaalada iyo iyo madaxda kale ee maxkamada sare aanay kala madax banaanayn,waxaana uu si aada uga dayriyey xaalada cadaalada taala guud ahaanba dalka.

"Cadaalada darada ugu weyn ee dalka haysataa waxay ka timaada Garsoorka, Xukuumada iyo Baarlamaanka.Garsoorka marka aad u tagto gudida cadaalada guddoomiyaheedu waxa weeye waa guddoomiyaha maxkamada sare,Labada guddoomiye ee isaga ku xigaana waa xubin,xeer illaaliyaha guud-na xubin ayaa uu ka yahay,agaasimaha caddaaladuna waa xubin.Intuba marka ay dawlada ka soo jeedaan ee hadana ay garsoorkii yahiin siday caddaaladi u hagaagi kartaa. Waxaa la samayn kari waayey garsoor ka madax banaan dawlada oo aqoon leh oo waxii la xumeeya ka daba taga,kolka xeerkii baarlamaanku uu baas gareeyey aan lagu qaadayn ee xeer kale lagu qaadayo guddoomiyaha maxkamada sare ee guddoomiyaha u ah qoladan waxay ahayd in uu yidhaahdo xeerkaas laguma shaqaynaayo oo kii la ansixiyey iyo xeerarka jira ha lagu shaqeeyo.Iyaga cida ka ashka toonaysaa xagay tagi,waxa weeye waxaa ay ahayd in gudiyada baarlamaanka la dhiso ayey ahayd”Ayuu yidhi Eng:Maxamed Xaashi.

 Ugu danbayntiina Eng:Maxamed Xaashi Cilmi,waxaa uu walaac xooga ka muujiyey qaabka ay u dhaqmaan ciimada RRU-du,waxaana uu sheegay in aan la garanaynba cid ay amarka ka qaataan ,sida oo kalena maal galisa.

“Kuwa cadaalada in la dhiso ayey ahayd,waxba inooma dhisna marka ay sidaas se u eegtahay.kolkaa waxa weeyaan xadhiga dhalinyarta iyo sida wax loo qabanayo RRU-da waxa loo samaystay anigu garan maayo, cid xukuntana garan maayo,waayo cid waliba waa ay dafirtaa kolka ay wax dhacaan,nin ay u yeedhi karaan oo ay odhan karaan xafiiska kaalay ayey u dhacayaan reerkii oo hurda caruurtii ayaa la fad qalalaynayaa oo laga sasinayaa allaabtay guranayaan meel loo raacana la garan maayo,kolkaa waa dhibaato.dawladu uma baahnaba dadkan wax dhaga geeya in ay musharba iskaga bixiso,waxay ahayd uun in ay jaraa'idka iyo Tv-yada iyo waxaa la qorayo iyo uun ay eegto oo ay waxii xun ay hagaajiso,waxii kalena ay tidhaahdo sidaas maaha wax laysku dhibaba maaha sida runta ah kolkaa waxaan leeyahay dadka cadaalad darrada ku xidhan ha la sii daayo"Ayuu yidhi Siyaasi Maxamed Xaashi Cilmi.