Guddoomiyaha Guurtida Oo Madaxda UCID Ugu Baaqay Inay Ka Noqdaan Shirka Talada Qaran Ee Ay Iclaamiyeen Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Si Kulul Uga Jawaabay

0
544

Picture6Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleebaan Maxamed Aadan, ayaa madaxda xisbiga mucaaradka ah ee UCID ku dhaliilay shirka ay ku baaqeen waxaanu shirkaas ku tilmaamay shir beeleed aan loo baahnayn, isla markaasna waxa uu ugu baaqay masuuliyiinta xisbiga UCID inay shirkaas ka laabtaan.

Dhanka kale gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Wareebe ayaa dhankiisa difaacay shirkaas waxaanu ku tilmaamay mid lagaga wada tashanaayo danaha qaranka horyaala, waxaanu Saleebaan ku dhaliilay in golayaashii sharci dajintana uu  muddo xileedkoodii dhamaaday shir beeleedyadana isaga lagu yaqiinay.

Gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamed Aadan, ayaa sidan ka sheegay fadhi shalay uu yeeshay golaha guurtida ee Somaliland, waxaanu isaga oo arintaas ka hadlayaa uu hadalkiisa ku bilaabay “ Xisbiga UCID la yidhaahdo madaxdiisu kordhintii muddo xileedka golayaasha waxa uu ka sameeyay ilaaq badan, ilaaqdaas oo odhanaysay waxaanu isugu yeedhaynaa shir qaran, waxaan moodayay shirka qaranka iyo shirka beeshu inay isku mid yahiin, shir qarana markaynu maqalno waa shir beeleed, anigu waan ku dhawaaqi jiray oo waxaan ku dhawaaqi jiray iyada oo aan asxaab jirin oo aan la qaylin jiray, shuruucbaynu dhiganay, asxaab ayaynu abuurnay golayaal sharci dajineedna waa’aynu leenahay, golahii xukuumadu oo madaxweyne la soo doortay uu madax ka yahay ayaynu leenahay, maxkamadahii oo ta dastuurigu ku jirto ayaynu samaysaynay, waxaynu waxan oo dhan u samaynaynay inaynu ka maarano beelo laysugu yeedho, macnaheedu waxa weeye waxan aynu ku fadhino oo dhan waxba kama jiraan, alle taas kama dhigo, waar waa la jiraa oo qaranku waa uu jiraa oo waa uu soconayaa cida waxaas ku fakaraysaana khaasatan madaxda xisbiga UCID waxaanu leenahay ka noqda, waana ku duulid qaranimadii Somaliland, ka noqda ayaanu leenahay waa gafe, bulshaduna waxay shido uma baahna ee waxaynu u baahanahay in bulshadani ay wax wada qabsato iyad aoo wada jirta, tafaraaruqa iyo khilaafka aynu ka dhawrno.”

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo wargeyska Geeska Afrika uu la xidhiidhay si uu wax uga waydiiyo dhaliilaha shirka uu ku baaqay loo soo jeediyay ayaa isaguna dhankiisa yidhi “ Hadalkaas waan ka xumahay, Saleebaana ninkii shir beeleedka watay ayuu ahaa ninkii shir beeleedkii ugu danbeeyay ee Gar-adag ka qaybgalay isaga ayuu ahaa markaas shirkan kuma sheegi karo shir beeleed, aniguna waxaan wadaa in arimaha ina horyaala aynu ka wada tashano oo waliba ay dawladu gogasha dhigto ayaanu doonaynaa, markaas waxaan ka xumahay inuu Saleebaan dan gaar ah ku tilmaamo laakiin anigu waxaan wadaa dan qaran, danta qaranka ayaana ku jirta in la wada tashado, guurtidan uu fadhiyaa waa bilaa sharci, wakiiladii waa bilaa sharci dastuurkeenuna waa qabyo, meeshaas wax dhibaato ah ma jirtee.”

Gudoomiye Faysal oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Shirbeeleed waligay waan la dagaalamaayay anigaana ka qaybqaatay abuuritaanka xisbiyada, anaguna xisbi sharci ah ayaanu nahay waanu ka doodi karnaa danta qaranka oo tusaalooyin waanu ka soo saari karnaa,markaas dawlada ayay ahayd inay qabto laakiin haday qaban wayday anaga ayaa qabanayna, aniga iyo Saleebaana waa nala kala yaqaanaa cida Somaliland dhib galin karta.”