Haldoorka Bariga Burco Oo Taageeray Murashaxnimada Xildhibaan Axmed Kijaandhe

0
642

Picture3Hargeysa(Geeska)-Musharax Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) oo ka mid ah musharaxiinta xisbiga Kulmiye ee loolamaya inay xisbigaas musharaxiin u noqdaan doorashooyinka soo socda ayaa  Ayaa  Hadhimo sharafeed  us ameeyey  Siyaasiyiinta, Salaadiinta, Aqoonyahanka Iyo Waxgaradka Bariga magaalada Burco.

Kulankan ayaa waxa goob joog ka ahaa  Siyaasiyiinta, Madaxdhaqmeedka, Aqonyahanka Iyo Waxgaradka Beelaha hargeysa iyo Hawd  ayaa lagaga wada hadlay sidii loo garab istaagi lahaa musharaxnimada xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijandhe.

Musharax Xildhibaan Kijandhe oo ka hadlay kulankan ayaa ugu horayn ka waramay ujeedada uu martiqaadkan ugu sameeyey madax dhaqameedka iyo masuuliyiinta kale waxaan hadalkiisa ku bilaabay “marka hore waxaan idiinka mahad celinayaa sida aad sii soo sharafteen ee aad iigu timaadeen, sidaad Ogtihiin waxan ahay musharax ka dhex tartamaaya xisbiga kulmiye oo ah musharax Madaxweyne waxaan is idhi walaahi maanta waxaad abaal gudkii xisbiga ku helaysaa adiga  isu sharaxa, kaadhkaygu idinka ka reer ahaan ayuu idin saaran yahay hadaan reerka cidi u sharaxnayn waxan idiinka fadhiyaa in aad  I tegeertaan.”

Suldaanka guud ee deegaanka Hargeysa Iyo Hawd  Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax  oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa  isaga oo sheegay in deegaanada ay kala matalayaan marti sharafta munaasibadaasi ku kulantay ay leeyihiin xidhiidh soo jireen ah waxaanu soo jeediyey inay maanta mudan tahay in la taageero musharax Kijandhe waxaanu yidhi “ Aad ayaan ugu mahad celinaya madax dhaqameedka iyo siyaasiinta beesha bariga Burco oo naga ajiibay martiqaadkayagii  aanu u fidinay, waxaanan idin leenahay walaaltinimo iyo qalbi furan ayaanu idinku soo dhawaynaynaa, waxaanan idiinka fadhinaa inaad taageertaan musharaxnimada Kijandhe.”  Wasiirka wasaarada cadaalada somaliland Xuseen Axmed Caydiid oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa sheegay  inay muhiim tahay in la taageero musharaxnimada Xildhibaan Kijandhe waxaanu yidhi “Maanta waxaynu iskugu nimid sidii aynu u taageeri lahayn musharaxnimada madaxweyne ee xildhibaan Kijandhe, inaad taageertana waa wax aanu idiinka filayno oo waynu isku leenahay, waanan idiinka mahad celinaynaa sida wanaagsan ee aad noo soo ajiibteen.”

Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Golaha Wakiilada Somaliland  Cali Yuusuf Axmed iyo Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac Nac oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada oo munaasibadan ka hadlay ayaa u mahad celiyey marti sharafta ka soo qayb gashay munaasibadan, iyo taageerada ay u muujiyeen xildhibaan Kijandhe.

 Dhinaca kale Oday Siciid bade oo u hadlay madax dhaqameedka beesha deegaanka Bariga Burco ayaa ka mahad celiyey munaasibadan lagu soo marti qaaday waxaanu yidhi “waxaanu mahad naqaynaa beesha deegaanka Hargeysa iyo Hawd ee munaasibadan hadhimo sharafeedka ah noo sameeyey, ilaa maanta goobtan aynu fadhinay waxa ka dhacaysay reer hebel iyo reer hebel anigu waxaan leeyahay musharaxiina waxaanu ka dhigaynaa kaalinta koowaad, waanan idin taageeraynaa ee taas niyada galiya.” Ugu danbayntiina waxa munaasibaa soo xidhay Cabdikariin Xinif oo ka mid ah xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye waxaanu yidhi “waxaan idin leeyahay horta ku tala gala In aydaan nagu hungoobi doonin ee aad naga heli doontaan taageerada aad u baahan tihiin,kolay reero kalana way jiraan  laakiin waxaanu idinka dhigi doonaa dadka ugu horeeya ee aanu  idin taageerno.”