Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Oo Sheegay Inuu Yahay Murashax Madaxweyne-Xigeen

0
620

Picture1Hargeysa(Geeska)- Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Xasan Cali Cismaan ayaa xalay si rasmi ah u sheegay Inuu U Taagan Yahay Musharaxa Madaxweyne Ku-Xigeen Ee Xisbiga KULMIYE.

Maareeyahay Hay’adda Waddooyinka, Xasan Cali Cismaan oo xalay fiidkii shir jaraa;id ku qabtay magaaladda Hargeysa, waxa uu ku shaaciyey inuu u taagan yahay musharraxnimada madaxweyne ku-xigeenka xisbiga Kulmiye, isagoo xusay inuu doonayo inuu dalka horumar gaadhsiiyo. “Waxaan reer Somaliland dhammaantood aan doonayaa inaan hortooda ka sheego inaan ahay murashax u taagan madaxweyne-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.” ayuu yidhi Xasan Cali Cismaan,

Siyaasigan oo ka soo jeeda gobalka Awdal ayaa ku soo biiraya tartanka siyaasiyiinta reer Awdal ku dhex maraya jagada murashaxa madaxweyne-xigeen ee xisbiga KULMIYE.