London (Geeska)- kala duwanaanta Afrikaanka iyo dadka reer Yurub ayaa u muuqata in ay ku kooban tahay uun dhinaca maqaarka ama midabka, taasna waxaa caddaynaya natiijada cilmibaadhis dhowaan daahfurtay in dadyowga kala duwan ee dunidu ay guud ahaanba sidii la moodayey markii hore aad isaga dhow yihiin isir ahaan.
Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Cambridge ee dalka Ingiriiska ayaa baadhitaan ku sameeyey hidde-sidayaasha iyo dheecaanno ay ka heleen hadhaadi bani’aadam oo jiray 4500 oo sano ka hor, kuwaas oo laga helay dalka Itoobiya, kadibna waxa ay barbar dhigeen isku-dhiska dhinaca hidde-sideyaasha ee dadyowga Qaarada Afrika oo dhan, markii natiijooyinka u soo baxay ay barbar dhigeen bulshooyinkii taariikhiga ahaana waxaa yaab ku noqotay, in qiyaas ah Afar meelood meel dheecaannada Hidde-sideyaasha ah ee dadka Afrika ay isku mid yihiin kuwa laga qaaday dadyow Ingiriiska, guud ahaan Yurub iyo sidoo kale galbeedka Eeshiya. Xitaa bulshooyinka Afrikaanka ah ee ku nool dhulka go’doonka ah ee fog, ayaa la ogaaday in ay boqolkiiba Shan hidde-sidaha DNA la wadaagaan dadyowgaas ku nool Yurub iyo qaybo ka mid ah qaaradda Eeshiya.
Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Jazeera waxa uu intaas ku darayaa in culimada arrimahan ku xeeldheer ayaa aaminsan yihiin in is-guursi uu dhex maray labada dad ee ku noolaan jiray Afrika iyo dhulka loo yaqaanna Eurasia, xilli ay dhacday haajiraad weyn oo raadkeeda la hayo balse ujeedeeda aan la ogeyn.
Waxa ay taariikhdu xustay in dad ku dhaqnaan jiray Afrika ay muddo hadda laga joogo ku dhowaad 50 kun oo sano u hayaameen dhinaca dhul ku beegan halka ay hadda ka jiraan dalalka Yurub iyo Eeshiya qaybo ka mid ahi, waxa aanay dhacdadaas taariikhdu afka qalaad ugu taqaannaa (Homo erectus).
Qolfoof ah madax nin oo muddo dheer kah or jiray, lagana helay godka taariikhiga ah ee Mota oo ku yaalla buuraleyda dalka Itoobiya, ayaa la baadhay DNA iyo hidde-sidayaashiia kale, kadib markii la ogaaday in muddadaa dheer ee uu jiray, aanay waxba noqon DNA-ga madaxiisu qabowa xad-dhaafka ah ee cimilada iyo qallaylka awgii. Waxaa la aaminsan yahay in Eeshiya iyo Europe ay 350 Milyan oo sano ka hor ay dhul ahaan isu raacsanaayeen, ka hor intii aanu dhulku mar kale u qaybsamin (U kala go’in) qaabka uu hadda u yaallo ee qaaradaha adduunka.
Cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyeyna waxa ay leeyihiin dadyowgan muhaajiriinta ahaa ee Afrika uga hayaamay dhinaca dhulkaas loo yaqaanno Eurasia waxaa ka soo farcamay beeraleydii casrigii dambe oo farsamadan beerashada qudheedana kala yimid bariga fog iyo galbeedka Eurasia muddo hadda laga joogo qiyaas ah 7 kun oo sano, laakiin qiyaas 4 kun oo sano ka dib ah ayaa dadkaas tafiirtoodii ay mar kale dib ugu soo haajirtay dhulka hadda loo yaqaanno Geeska Afrika. Weliba daraasaddan cusubi waxa ay ku doodaysaa in tirada dadkaas dib u soo noqday ay aad u fara badnayd, taasna uu ka marag kacayo DNA gan hadda laga helay Arikaanka tirada badan meelaha kala duwanna ku dhaqan ee casrigan.