“Hadh Iyo Habeenba Waa La Ii Soo Hanjabaa, Laakiin Kama Baqdo Waxa Beri Dhici Doona”Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan

0
697

Hargeysa(Geeska/Aljazeera)-Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, marna noqotay wasiirka arrimaha dibadda Somaliya, dhalasho ahaana ka soo jeeda Somaliland, ayaa sheegtay in dhaqanku yahay caqabada ugu adag ee haweenka Soomaalida ka hortaagan ka qayb galka siyaasadda.

Foosiya oo u warantay telefishanka Aljazeera, waxay sheegtay in dumar badan ay rajo gashay markii ay noqotay wasiirka arrimaha dibada Somaliya, waxase ay sheegtay inay hadh iyo habeen hesho farriimo hanjabaad ah,  “Hadh iyo habeenba waa la ii soo hanjabaa. Haa way dhacdaa, laakiin kama baqanayo waxa beri dhici doona, maanta ayaan mashquul ku ahay.” ayay tidhi Foosiya, waxaanay iyadoo ka hadlaysa xilkii wasiirka arrimaha dibadda oo ay noqotay haweenaydii u horaysay ee xilkaas qabatay, ay tidhi “Waxay ahayd markii u horaysay. Waxaan safari ku tagi jiray gudaha dalka, mar kasta oo aan la hadlo gabdhaha yaryar waxay igu odhan jireen hadda waxa noo muuqata rajo, hadda wax baan qaban karaa, hadda meel ayaan qabsan karaa, waxaan ana u sheegi jiray mar kasta oo aan la hadlo cidi idima joojin karto haddii aad meel doonaysaan. Raggu way idin taageerayaan haddii aad ugu dambayn tidhaahdaan dib uma noqonayno.”

Foosiya waxay sheegtay in caqabadaha dumarka ka haysta ka qayb galka siyaasada ay ugu weyntahay dhaqanka. “Waa caado in dumarka laga ilaaliyo awooda, laakiin ma rumaysni inay tahay diin.” ayay tidhi,  “Waxa ugu weyn ee loo baahanyahay waa in qabyaaladda laga hortago.  “Haddii aad dib ugu noqoto taariikhdii hore ee Soomaalida ee waagii baadiyaha, dumarka ayaa waxa kasta qaban jiray. Awood ayaanu lahayn waagaas hore. Waxa jiray dumar ka qayb galay dawladda sannadkii 1968, sanadahan dambe ayaa dib lanoo riixay.”

Waxay Foosiya sheegtay in haddii ragu arkaan dumarka oo socda islamarkaana bilaabaya hawlo ay soo dhawayn doonaan.