Hay’adaha Caalamiga Ah Oo Madaxtooyada Ka Dalbanaya In Hay’ada Waddooyinka Laga Hoos Saaro Wasaarada Hawlaha Guud

0
533

Hargeysa(Geeska)-Hay’adaha caalamiga ah ee Somaliland kala shaqeeya dib u dhiska waddooyinka dalka, ayaa dib u dhiska waddooyinka dalka shuruud uga dhigay in hay’adda waddooyinka ee SRA (Somaliland Road Authority) la madaxbanaaneeyo oo laga hoos saaro wasaaradda hawlaha guud, noqotana hay’ad madaxbanaan sidii ay ahaan jirtay dawladihii hore.

Warar xogogaala oo uu wargeyska Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in hay’adaha caalamiga ahi go’aansadeen inay madaxtooyada Somaliland u gudbiyaan dalabkooda ah in hay’adda waddooyinka loo sameeyo xeer gaar ah iyo guddi madaxbanaan oo laga hoos saaro wasaaradda hawlaha guud iyo guriyaynta. Hay’adahan ayaa aaminsan in mar haddii ay lacag badan gelinayaan dhismaha iyo dib u dhiska waddooyinka dalka ay muhiim tahay in la helo komishan gaar ah oo ay hay’aduhu si gaar ah ugala xisaabtamaan.

Hay’addan oo bilowgii dhismaha dawladnimo ee Somaliland ku hoos jiri jirtay isla wasaaradda hawlaha guud ayaa mar dambe uu madaxweyne Cigaal ka hoos saaray, gaar ahaan xilligii uu soo baxay mashruuca dhismaha waddada Berbera Wajaaale ee lagu magacaabo Berbera Corridor. Xilligaas oo midowga Yurub iyo hay’adihii mashruuca la’ waday Somaliland dalbadeen in la madaxbannaaneeyo hay’addan, laakiin madaxweyne Siilanyo ayaa markii uu talada dalka qabtay wasaaradda dib ugu soo celiyey dhismaha wasaaradaha waxa aanu hoos geeyey wasaaradda madaxtooyada. mar labaad ayaa uu haddana ka hoos saaray oo uu dib ugu celiyey wasaaradda hawlaha guud.

Lama oga go’aanka uu madaxweyne Siilaanyo ka qaadan doono soo jeedinta hay’adahan, sida oo kale maadaama oo sababaha hay’adaha arrintan ku kallifaysay ay ka mid ahayd iyaga oo danaynayey hufnaanta xisaabeed iyo la xisaabtan lama garan karo in uu jiro madmadow xisaabeed oo xilligan soo dhex galay iyaga iyo wasaaradda, oo arrintan soo dedejiyey.

Wasaaradda hawlaha guud oo aanu isku daynay inaanu warkan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin.