Baanka Islaamiga Ah Ee Premier Oo Casuumad Afur Ah Ku Kulmiyay Ganacsatada Iyo Haldoorka Hargeysa

0
683

Hargeysa(Geeska)-Bangiga Islaamiga ah ee Premier Bank ee Somaliland ayaa afur wadareed u sameeyay ganacsato, culimo iyo macaamiisha bangigaas qaar ka mid ah, waxaanay masuuliyiinta bangigu ay daboolka ka qaadeen in bangigani uu yahay mid Islaami ah isla markaasna shacbiga Somaliland ugu adeegaya nidaamka bangiyada islaamiga ah ee waafaqsan Shareecada Islaamka.

Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Maxamed Cabdi Ibraahim (Khadar) ayaa isaguna dhankiisa sheegay in dalka aanu ka jirin bangi ribawi ah isla markaasna bangigan  Premier Bank uu yahay mid Islaami ah oo Bangiga Dhexe ee Somaliland uu siiyay ruqsada shaqada.

Guddoomiyaha bangigan Premier Bank Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil (Musaabaqo) oo sharraxaad ka bixinaaya bangigan Islaamiga ah ee Premier Bank ka hor afurkaas waxa uu yidhi "Bangiga Premier Bank waa mid Islaami ah oo ku shaqeeya nidaamka ay bangiyada Islaamiga ah ay ku shaqeeyaan waxaanuna doonaynaa in Somaliland oo dhan ay arintaas nala ogaato. Bangiyada Islaamiga ah waxaan xeer u ahayn oo Shareecada Islaamkana ka hor imanaysa in lacag laga sameeyo lacag, taas macnaheedu waxa weeye adeeg kasta oo bangigu uu bixinayaa waa adeeg ku salaysan hanti uu u iibanaayo macmiilka ama uu kula shuraakoobayo. Ma jirto lacag aanu cid dayminayno  oo dabadeedna aanu dulsaar ka samayno, badeecad ayaa qofkii loo iibinayaa  waxaana la saaranayaa faa'ido waana xalaal oo way goshahay Shareecada Islaamku."

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi,"Dad badan ayaa kaadhka aanu macaamiisha siinno ee Master Card-ka si qaladan u fahmay. Waxa xusid mudan in kaadhka aanu bixinnaa yahay Debit Card, oo macnaheedu yahay macmiilku waxa uu isticmaalayaa lacagta ugu jirta xisaabta Premier Bank kaas oo uu ku isticmaali karo mishiinada ATM aduunka iyo dalkaba. Kaadhkan aanu bixinnaa waa mid waafaqsan nidaamka shareecada Islaamka, mana aha Credit Card amaah lagu qaato oo ribo la saarto."

Guddoomiyaha Baanka Dhaxe ee Somaliland Maxamed Cabdi Ibraahin oo isaguna isla kulankaas afurka ah ka soo qaybgalay oo ka hadlaayay bangigan Islaamiga ah ee  Premier Bank waxa uu yidhi "Waxaanu ognahay in Somaliland ay ka jiraan Bangiga Dhexe iyo saddex bangi kuwaas oo kala ah Darasalam Bank, Dahabshiil Bank iyo Premier Bank oo u danbeeyay. Banigaga Dhexe marka laga tago bangiyadaas kale waa kuwo Islaami ah Bangiga Dhexena waxa uu u taagan yahay inuu ruqsad siiyo bangiyada isaga oo u eegaya xeerka Baanka Dhexe ee u yaalla dalka oo waafaqsan shareecada Islaamka, bangi aan xeerkiisa iyo boodhkiisa la eegin ruqsad lama siiyo, sidaas darteed bangi ribawi ah dalka kuma ogin. Waxaanuna ognahay in baarlamaankeenu diiday xeerkii ribawiga ahaa oo in laga ansaxiyo marnaba ay noqon wayday kaas oo ay dabada ka riixayeen haayadaha shisheeyaha ah, dalkeena waad ogtihiin oo waa mid boqolkiiba boqol Islaam ah isla markaasna shareecada Islaamku ma oggola, dastuurka dalkuna ma oggola, labadaas midina ma oggola in dalkan ribo ka shaqayso, sidaas darteed Bangiga Dhaxe marnaba talada uguma jirto inuu ruqsad siiyo bangi ribawi ah.”

Guddoomiyaha Baanka Dhexe oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Bangigan Premier Bank malaa dadku magaciis ayay akhriyi kari waayeene waa mid Islaami ah, oo shuruudii Islaamiga ee u yaalay Bangiga Dhexe buuxiyay, dad duraaya waan arkay waxaan ku idhi sharcigaan ku siinay waa islaamiye dad ka soo qaadanaya ribo miyaad aragtay, maya bay yidhaahdeen markaas hubiya oo intaan warka faasiqu dhanka kale idiinka bixin soo waydiiya oo hubiya anaguna waxii aanu ku siinay ruqsada wali may jabin, wali saddexda baanba waxay ku taagan yihiin dariiqii.”

Gebogebadii, Sheekh Xasan Cabdisalaan oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka ayaa isaguna dhankiisa waxa uu ka sheekeeyay faa'idooyinka ay leeyihiin bangiyadan Islaamiga ah ee dalka ka furan, waxaanu kula dardaarmay in loo baahan yahay in ay naxariis u muujiyaan shacbiga Somaliland ee ay u adeegayaan, isaga oo bangiga cusubna u duceeyey.