Haddii Xusuus Jacayl Xumaaday Ku Dishooday Ama Dhacdo Xanuun Badani Maskaxdaada Ka Bixi Weyday, Waxaad Ku Bishaaraysataa In Hadda Kadib Maskaxda Laga Masixi Karo

0
1313

Hargeysa (Geeska)- Waxaa jira xaalad caafimaad oo nafsi ah oo afka cilmiga loo yaqaanno PTSD, waa erey u soo gaabsan ereyada afka ingiriisiga ah ee ‘Post-Traumatic Stress Disorder’ waxaana aynu ku macnayn karnaa saska ama hurgumada maskaxda ku hadha dagaallada kadib. Xaaladdan waxaa lagu arkaa dadka la noolaa colaado dhib badan gaadhsiiyey, marka uu qofku ku hungoobo arrin dhinaca dareenka ah sida jacaylka lammaanaha ma kalsooni uu qof ku qabay iyo mar kasta oo uu qofku arrin aanu filayn kala kulmo cid ama meel aanu filayn waxaa ku dhaca xaaladdan nafsiga ah ee PSTD aynu u soo gaabinnay oo mararka qaarkood sababta in qofku uu nolosha ka dhaco ama dhib badan kala kulmo sii haysashadeeda. Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Pennsylvania ee dalka Maraykanka ayaa dhowaan ogaaday in ay suurtogal tahay in maskaxda aadamaha laga tirtiro xusuusaha xanuunka leh ee ku soo noqnoqda.

Saynisyahannada cilmibaadhistan uu Geeska Afrika turjumay sameeyey waxa ay ogaadeen dheecaan maskaxda ku jira oo curiye aad u muhiima u ah kaydinta xasuusta aan maskaxda weligeed ka masaxmin, tijaabooyin dheecaankan lagu sameeyeyna waxa ay xeeldheerayaashan siisay rajo fiican oo sheegaysa in ay suurtogal tahay in dheecaankaas loo adeegsado tirtiridda xusuusaha ka dhasha dhirbaaxooyinka nolosha iyo hagardaamooyinka uu qofku la kulmo.

Cilmibaadhiso hore ayaa iyaguna muujiyey in maskaxdu si ay u samayso xusuus cusub, isla markaana u kaydiso xusuusta hore ay u baahantay in ay samaysanto barootiin ay helaan unugyada neerfeed.