“Haddii Uu Farmaajo Isku Kalsoon Yahay Ha Isku Dayo Inuu Ilaaliyo Qodobbadii Lagu Heshiiyey.”

0
156

Hargeysa (Geeska) – Siyaasi Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere), oo Xukuumaddii hore Axmed Siillaanyo ka soo qabtay xilka Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, isla-markaana muddo dheer ahaa Xoghayaha guud ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa tilmaamay in Dawladda Soomaaliya aanay sinaba daacad uga ahayn wada-hadallada Somaliland, waxaanu xusay inay kolba keenayso waxyaabo ay kaga baxayso qodobadii lagu heshiiyey.

Siyaasi Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi-dheere), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Marar badan oo hore ayey Somaliland iyo Soomaaliya wada-hadalo dhex mareen, iyagoo ku wada hadalay Waddamo badan, laakiin mar kasta qodobada lagu heshiiyo waxaa jabinayey Dawladda Soomaaliya, in wada-hadallo dambe la galo waxay Somaliland ku xidhay qodobbo ay ka mid yihiin in aan dhinaca Soomaaliya lagu soo darin siyaasi ama qof ka soo jeeda dhalasho ahaan Somaliland, wada hadaladii ugu dambeeyeyna Soomaaliya qodobkaas wey tixgelisay, laakiin hadda waxaa muuqata inay ka baxday, oo ay wada-hadallada ku soo dartay dad ka soo jeeda Somaliland, laakiin Siyaasi kasta oo ka soo jeeda dhalasho ahaan Somaliland oo Soomaaliya taga, waa Siyaasi ama qof shaqo tagay, dal iyo dad uu matalaa ma jiraan, Soomaaliya waxay og tahay in Somaliland ka gar helayso, sidaas awgeed ayey kolba jabinaysa qodobbadii lagu heshiiyey ee haddii uu  Farmaajo isku kalsoon yahay ha isku dayo inuu ilaaliyo qodobadii lagu heshiiyey oo gartiisa ha soo bandhigto”.