Soomaaliya: Xukuumaddii Raysal-Wasaare Khayre Oo Si Aamusnaan Ah Ku Wayday Kalsoonidii Baarlamaanka

0
619

Muqdisho (Geeska) – Baarlamaanka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kalsoonida kala noqday Raysal-wasaare Xasan Cali Khayre iyo Xukuumaddiisa.

Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo shir-guddoominayey Fadhiga kalsoonida loogala noqday Xukuumadda Raysal-wasaare Khayre ee dalka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda uu hoggaamiyey raysal-wasaare Xasan Cali Khayre ay ku fashilantay shaqooyin laga rabay inay qabato sidaas darteedna golaha aqalka hoose ee Baarlamanka dalka uu kalsoonidii kala noqday.

Waxa uu sheegay in xildhibaanno gaadhaya 178  mudane ay yimaaddeen kulankii Shalay ee Baarlamanka waxaana codka kalsooni kala noqoshada loo qaaday xukuumadda ra’iisul wasaare Kheyre uu hoggaamiyo.

“Waxaa kalsoonida kala noqday 170 xildhibaan, waxaa diiday 8 mudane, ma jirin cid ka aamustay” ayuu yidhi Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa waxa uu sheegay in xukuumadda ra’iisul wasaare Kheyre ay ku fashilantay ka shaqeynta doorasho qof iyo cod ah, in ciidamada dowladda Soomaaliya ay hanan waayeen amniga dalka, arrinta maqaamka caasimadda iyo afti u qaadidda iyo meel-marinta dastuurka iyo ugu dembeyn hir-gelinta axsaab siyaasadeed oo saami ku yeelata hannaanka geeddi socodka dalka Soomaaliya.

Guddoomiye Mursal wuxuu ka codsaday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo in uu soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub.

Isla gelinkii dambe ee Shalay, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa aqbalay Kalsoonida kala noqoshada Xukuumaddii Raysal-wasaare Khayre, waxaanu sheegay inuu soo Magacaabayo Raysal-wasaare cusub, balse intaa waxa hawlaha Xukuumadda kalsoonida lagala noqday sii wadaya Raysal-wasaare ku-xigeenkii Mahdi Maxamed Guuleed.

Tallaabda Kalsooni kala noqoshada Raysal-wasaare Khayre ayaa ku timid Hab Aamusnaan ah, waxaana lagu baraarugay uun in Baarlamaanku uu Kalsoonida kala noqday Xukuumaddii Khayre.