Sucuudiga Oo Muddo Kooban Gudahood, Dib U Soo Celiyey Markabkii Labaad Ee Xoolo Ka Qaaday Somaliland

0
588

Burco (Geeska) – Dawladda Sucuudiga Carabiya ayaa dib u soo celisay Markab xoolo ka qaaday Dekedda Berbera ee Somaliland.

Markabkan oo noqonaya kii labaad ee Sucuudigu dib ugu soo celiyo Dekedda Berbera muddo kooban gudaheed, ayaa Dekedda Berbera ka qaaday Xoolo isugu jiray Adhi iyo Geel, laakiin Sucuudiga ayaa Maraakiibtaasi kala dambeeyay kala degay Geelii, laakiin dib u soo celiyey iyagoo sida Adhigii ay ka qaadeen Dekedda Berbera.

Markabka labaad soo Sucuudigu ku soo celiyey Xooluhu Dekedda Berbera ka qaaday ayaa waxa xaqiijiyey Xuseen Dhuluh oo ka mid ah Ganacsatada reer Somaliland ee xoolahaa wax ku lahaa, kaasi oo Shalay Saxaaafadda kula hadlay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.

Xaaji Xuseen wuxuu ugu horrayn faahfaahinayaa Markabka hore iyo sidii loo soo celiyey “Dawladda waxaan u sheegayaa, Doorkii hore Markab Adhi ah baa Sucuudiga laga soo celiyey, Geeliina waa lala hadhay, Markabkaa hore Xoolihiisii dibedda lagu soo daadiyey bakhtigiisiina Miyiga waalla mari kari waayay iyo meelihii lagu rogay, wax yar oo aan rejo lahayn ayaa Xoolihii Markabkaa hore ka nool.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay in isla Xalayna uu Markabkii labaad ee Sucuudiga laga soo celiyey ku soo xidhanayo Dekedda Magaalada Berbera “Waxa kale oo jira Markab Caawa (Xalay) soo galaya Dekedda oo Sucuudiga laga soo celiyey, kaasi oo Geeliina lagala degay, Adhigiina ay soo celiyeen, Xoolahaa xilkoodu Dawladda ayuu saaran yahay oo Masuul ka ah, Waayo? Dawladdu waxay xaq u leedahay inay Sucuudiga ku tidhaahdo Xoolahayaga noo daa’ oo ha naga soo dalban ama wixii naga soo dhoofa ma soo celin kartid, Dawladdu taa Xaq bay u leedahay, laakiin way ka gaabisay.”

Ganacsaduhu waxa kale oo uu sheegay “Dawladdaay Markabkaa hore Xoolihiisii way tageen oo way dhinteen, ka dambana markuu soo cabbo biyaha Sucuudiga ee ah Badda la macaaneeyay kuwa Berbera-na cabbo ayuu tarab-tarab noqonayaa, markaa waxaan leeyahay Markabkaa soo galaya Caawa (Xalay)  ha loo gurmado haddii Allaah yidhaahdo, hana loo diyaariyo Biyo macaan iyo Dawooyin.”

Xuseen Dhuluh wuxuu Dawladda ku canaantay in aanay mar keliya ka hadal Xoolaha uu Sucuudigu soo celiyo “Maan arag Xoolahaa la soo celiyey Cid u hadashay oo Dawladda ah..” ayuu yidhi.

Soo Celinta Xoolahan ayaa ku soo beegmaysa xilli loo diyaar-garoobayo Cidda Carafo oo aad loo iibsan jiray Xoolaha, gaar ahaan Adhiga.