“Haddii Ay Xukuumaddu Naga Reebtay Wada Hadalada Somaliya, Waxay Ahayd In Bal Marka Ay Tagayso Na Soo Wargaliso”

0
535

Picture5Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ku dhexmari doona Dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti, waxaana uu sheegay in wada hadaladaas uu soo dhaweeynayo, waxaanu tilmaamay inay haboonayd in marka horeba wada hadalada labada dal laga bilaabo Wadamada jaarka la ah Somaliland.

Guddoomiyaha XIsbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada ka aloosan Gobolka Awdal, waxaanu Odayaasha Gobolkaas ugu baaqay inay xaalada dejiyaan, Xukuumaddana waxa uu kula taliyey inay Dhalinyarada xidh-xidhan ay soo dayso, “Jabuuti IGAD ayey ka mid tahay, anigu hore ayaan uga hadli jiray, oo waxa aan odhan jiray arimaheenu waxa ay ka bilaamaan IGAD, waxayna ku dhammaadan Qaramada Midoobay, waxaana u arkaa inay tahay Waddadii haboonayd, Ismaaciil Cumar Geelena arintan aad ayuu uga war hayaa, Maalintii dhawayd ee aan jabuuti qabtay waxa aan Ismaaciil ku booriyey oo aan ku idhi waxa haboon inaad arintan gacanta ku dhigtid oo aad gashid, waana soo dhawaynaynaa, waxaana jecel ahay in guul la taaban karo kala yimaadan”. Ayuu yidhi Faysal.

Faysal Cali Waraabe ayaa mar uu ka hadlaayey sababta ay Xukuumaddu iskugu koobtay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Wada hadalada Somaliland iyo Somaliya waa arin Qaran, oo waa tii lagu bilaabay,Aniguna waxa aan ka mid ahaa Raggii bilaabay, waa kuwii haddana bishii Julay naga saaray, arimahani waa arimo Qaran oo la wada leeyahay, haddii ay Xukuumaddu naga reebtay wada hadlada Somaliya waxa ay ahayd in bal marka ay tagayso inay na soo wargaliyso, oo xilliga ay tagayso noo sheegto, oo waxa ay la tagayaan noo sheegto,  marka ay yimadaan waxa waajib ah in Madaxda Qaranka u sheegeen wixii lagu wada hadlay, markaas haddii ILLAAHAY SWT yidhaahdo waanu ka sugaynaa labadaba iyo waxa ay la shir yimadaan”.

Eng: Faysal Cali Waraabe mar uu hadlaayey xaalada ka aloosan Gobolka Awdal ayaa yidhi “Waxa Awdal ka socdaa waa wax fool xun, Ninkii ugu dambeeyey ee baxay, xitta dawladda kamuu hadal, ee waxa uu yidhi Burco iyo Hargeysa, ayaan gubayaa, waa Nin ay ka muuqato cadaawadi beeleed, mana wanaagsana in dadka la galiyo dagaal iyo cadaawad ku salaaysan qabiil, ilaa hadda waxa aanu taaganahay in Odayaasha Gobolka Awdal ay arinta gacanta ku qabato, Dawladduna waa inay arinta dajisaa,oo Dhalinyarada la xidhay ay soo daysaa,xadhigana waxba ma taro, oo Siyaada  Barre ayaa xadhig iyo cago juglayn wax ku tari lahaa, arintan si xun ayaa loo maareyey, Labada Suldaan ee  halkaas galayna khadkii cagaarnaa ayey dhaafeen, waxa aan lagu kicin ayey ku kaceen,  oo Qaran iyo Umadda jirta ayey dagaal ku dhawaaqeen, markaas waa inay dawladdu arintan si fiican u xalisaa”.