Madaxweyne Siilaanyo Iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ay Kulamadu Maanta U Bilaabmayaan

0
531

Picture4Djibouti(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay ka wada qayb galay kulan qado sharaf ah oo uu Madaxweynaha Djibouti Md. Ismaaciil Cumar Geele wada jir ugu sameeyay, ka dib markii ay labada madaxweyne safar ku tageen wadanka Djibouti.

Labada madaxweyne ayaa yeeshay kulan kooban oo hordhac u ah kulankooda maanta. Kulanka maanta oo la filayo in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele uu goob-joog ka noqdo ayaa la filayaa inay labada madaxweyne ee Somaliland iyo Somaliya kaga wada hadlaan wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya iyo sidii loo sii ambo qaadi lahaa, waxaana la filayaa inay kulankooda maanta ka dib warbaahinta wada jir ula hadlaan. Wada hadalada oo maanta oo keliya ku eeg, ayaa waxa la filayaa in Madaxweyne Siilaanyo uu Isniinta beri dalka dib ugu soo noqdo.