“Dawladda Somaliya Uma Soo Socono, Kama Mid Nihin Ee Waxba Yaanay Nagu Daalin”

33
3642

Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiilada Axmed Cabdi Kijaandhe, ayaa sheegay in Beesha Caalamku ka dharagsan tahay kana war qabto in aanay Somaliland ka mid ahayn Somaliya, tahayna dal madaxa banaan, oo dib xoriyadiisi ula soo noqday, waxaanu Beesha Caalamka ugu baaqay inay aqoonsadaan Somaliland.

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiilada Axmed Cabdi Kijaandhe, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Dawladda Somaliya ugu baaqay in aanay ku daalin Somaliland, madaama uu xusay in aanay Somaliland mar dambe aanay la midoobi doonin Somaliya, waxaanu yidhi   “Nimankii mucaawimada bixin jiray, waxay Somaliya ku yidhaahdeen waxba Somaliland la idin soo marin maayo, oo way diideen, talabadaas ay qaadeena waan uga mahadcelinayaa, waana talaabo geesinimo leh, oo aanu uga mahadnaqayo Wadamada Somaliya mucaawimada siiya, Beesha Caalamkuna way ka war qabaan  inay Somaliland ka madax banaan tahay Somaliya, Beesha Caalamku wey ka dharagsan yihiin in aanay Somaliland ka mid ahayn Somaliya dibna aanay ula midoobi doonin ee aqoonsiga waanu ka sugaynaa”,

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiiladu mar uu ka hadlaayey Dawladda Somaliya ayaa yidhi “Dawladda Somaliya uma soo socono, kama mid nihin ee waxba yaanay nagu daalin, Shacabka reer Somaliland waa Shacab boqolkiiba todaba iyo sagaashan (97%), u codeeyey Dastuurka iyo madax banaanidooda, ee waxba yaanay nagu daalin”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here