Haddii Aad Ku Fikirayso In Aad Tirtirto Xisaabtaada / Akoonkaaga Facebook Dariiqadan Ayaad U Mari Kartaa

0
600

Washington (Geeska)- Waxaa marar badan dhacda in qofku uu xiiseeyo in uu tirtiro ama xayiro akoon uu ku leeyahay Facebook isaga oo doorbidaya in uu dhowr akoon uu mid kala soo hadho ama in uu gebi ahaanba iska joojiyo.

Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Aljazeera  qayb ay kaga faalloonaysay Tiknoolajiyada waxa ay ku siinaysaa tilmaamo ay tahay in aad raacdo marka aad doonayso in aad xisaabtaada Facebook tirtirto gebi ahaanteedba. Taas oo haddii aad samayso keeni doonta in aanad awoodin dib u soo ceshadka xisaabtaadan ama in aad dib u hesho wax kasta oo aad ku gudbisay akoonka aad tirtirtay, sida faallooyinka (Comments) iyo farriimaha caadiga ah ee aad asxaabta isku dhaafsateen ee ku kaydsanaa.

Xeeldheerayaasha bixiyey tilmaamtani waxa  ay ku talinayaan in haddii aad u baahato in aad akoonkaaga/xisaabtaada tirtirto ay fiican tahay in aad nuskhadka mid ah xogta ku jirtay kala baxdo si haddii ay xusuus iyo muhiimad kuu leedahay aanay kaaga lumin.

Si aad nuskhaddaas uga reebatana tilmaamahan raac:

Guji, madaxa leebka (Arrow) hoos u foorara ee ku yaalla cidhifka u sarreeya ee midig, ee bogga Facebook.

Ka dooro qaybta farsamada ee ‘Settings’ ka loo yaqaano.

Kadib liiska kuu soo baxa ka sii dooro qaybta ay ku qoran tahay, Download a copy of your Facebook data. (Dejiso nuskhad ka mid ah, xogtayda Facebook)

Marka aad tirtirayso:

Kadib marka aad dhamaystirato soo dejinta nuskhadda akoonkaaga Facebook hadddii aad u baahan tahay. Waxa aad u gudbaysaa qaybta tirtiridda akoonka oo aad u marayso tilmaamahan.

Raac dhabbahan (Link) https://facebook.com/help/delete_account

Bogga kuu furma ka dhex dooro halka ay ku qorantahay Delete My Account

Intaas kadib raac tilmaamaha uu ku siiyo Facebook si aad u dhammaystirto tirtiridda akoonka.

Waxaa laga yaabaa in dhamaystiranka tirtiridda akoonkaagu ay shirkadda Facebook ku qaadato 90 Maalmood, oo ay masaxmi doonaan dhammaan sawirradii iyo qoraalladii kala duwanaa ee ku jiray akoonka, iyo sidoo kale xogtii uu boggu ku smaysnaa, kuwaas oo dhammaantood ka masaxmi doona qaybaha kala duwan ee kaydka xogta macaamiisha Facebook ugu talogashay. Muddadaas masaxidda akoonku socoto, dadka isticmaala Facebook ma awoodi doonaan in ay arkaan ama galaan akoonkan iyo xogta ku jirta.

Xogaha ku jiray akoonkaaga ee sidoo kalana ku jiray akoonno kale, tusaale ahaan sawirrada iyo qoraallada aad u dirtay saaxiibbadaa akoonkooda kama masaxmayso xogtaasi oo waxa ay ku jirayaan akoonkaas kale ee aad u dirtay. Waa haddii aanu qofkaas loo diray iskii isaga masaxin.