Haddii Aad Dumarka Ku Ogeyd Gabow Nacaybka, Ogow Ragguba In Ay 13 Sano Da’dooda Ka Dafiraan

0
897

Muddo qarniyo ah waxa caan ahayd oo in dumarku da'dooda runta ah sheegisteeda ka war wareegaan ama inta ay jireen dhowr gu' ka jaraan. Is yarayntu waa dabeecad ay dumarka ku eedeeyaan gebi ahaan bulshooyinka kala diimaha iyo hiddaha ah ee ku dhaqan dunida. Muddooyinkaas hore marnaba ragga laguma sheegin da' nacayb iyo is-yarayn, laakiin wax badan oo kale ayaa lagu sheegay in ninku uu been ka sheego, waxaana ka mid ah dakhligiisa dhabta ah iyo in aanu jeclayn in wax laga weydiiyo ilaha dakhligu ka soo galo. Waana sababta uu ku soo baxay, hal-ku-dhegga ah, "Dumarkana da'dooda ha weydiin, raggana mushaharkooda"

Haddaba sheegashadii hore ee ahaan jirtay dumarka ayaa is yareeya, waxa ka daba timid daraasad cusub oo sheegaysa in raggu dumarka kala mid yihiin da' nacaybka. Daraasaddan cusub oo lagu sameeyey dalka Maraykanku waxa ay muujisay, in dadka da'da weyn gaar ahaan raggu ay badanaaba jecel yihiin inay da'dooda yareeyaan. Daraasaddu ma’ ay sheegin oo keliya in raggu da'dooda qariyaan ee waxa ay ku sii dartay intaas inay ragga waaweyni nafsi ahaan u dareemaan in ay da'doodu ka yar tahay sida uu u eeg yahay ama sida ay dadka qaar u arkaan. Waxa ay daraasaddani muujisay in raggu nafsi ahaan u dareemaan in ugu yaraan ay da'dooda caadiga ah ama da’da ay dadku u arkaan ay ka yar yihiin 13 sano, sida ay daraasaddani sheegayso tan macnaheedu waa in raggu ay is moodsiiyaan inay ka yar yihiin sida caadiga ah.

Daraasaddu waxa ay iftiimisay in sida ugu habboon ee uu ninku ku garan karo in uu haatan da' yahay ay tahay, inuu sugo inta ay naftiisu dareemayso ama uu niyad ahaan isu sheegayo in dadku da'da ay u arkaan tahay mid ka weyn tiisa caadiga ah. waxa ay daraasaddu caddaysay in dareenka ah in uu yar yahay ee uu raggu dareemaan mar kasta ka badan yahay, shucuurta dumarka ee ah in ay da' yar yihiin. Waxa ay daraasaddu sheegtay in da' ahaan inta ugu badan ee ay gabadhu dareento inay ka yar tahay da'dada dadku u arkaan ay tahay ugu badnaan 4 sano, halka uu ragga ka tahay 13 sano.