Cirro Oo Meesha Ka Saaray Inuu Iska Casilo Guddoomiyaha Wakiilada

0
680

 

Picture2Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay inaanu ka dagayn xilka guddoonka golaha wakiialda oo ay urur siyaasadeedyadu ku doodayaan inuu iska casilo mar haddii uu noqday guddoomiyaha urur siyaasadeedka Wadani.

 

Md. Cirro oo shalay ka hadlay xaflad ay kula midobeen ururka wadani ururkii Horyaal ee hadhay, wuxuu sheegay inuu sifo sharciya ku yimid guddoomiyaha wakiilada iyo guddoomiyaha wadani, waxaanu meesha ka saaray inuu xilka shirguddoonka wakiilada iska casilo, “Labada xilba (Wakiilada iyo Wadani), waxaan ku imid sifo sharciya.” Ayuu yidhi guddoomiye Cirro, waxaanu intaas raaciyay farriin uu u diray ururada siyaasadda ee ka soo horjeeda xil hayntiisa shirguddoonka wakiilada,  “Qolooyinka Ururada waxaan leeyahay Kama degeyo Guddomiyenimada Golaha wakiilada oo waan ahaanaya, Haddii aad doorashada galaysaan iyo haddii kaleba.”