Booqashadaydii Burco Iyo Wixii Aan Kala Kulmay

0
627

booqashadii BurcoSoo galli taankaygii magaalada Burco waxaan ka bilaabay Hotel Cigal Oo ku yaala wadada  laga soo gallo magaalada Burco. 

Waa Hotel nadaafad wanaagsan, waxaanan ka helay adeega internetka oo aan isticmaalay markii aan waxyar joogayba, 

Waxa aan aad ugu diirsaday soo dhawaynta shaqaalaha, martida iyo  sida qalbiga furan ee ay u wada sheekaysanayso  iyaga oo aan is aqoon, taas oo aanad marnaba qallo daraymaynin.

 Waxa aan jeclaystay  sida ay u macaantahay in aad ku soonto dalkaaga hooyo, hadii aad i waydiisay aniga waxaa iigu dambaysay in aan ku soomo  dalka aniga oo yar, 24 sanno ka hor , wixii intaas ka dambeeyay waxaan ku soo mayay qurbe iyo dalal aan Islaam ahayn. 

Waxaa i farxad galisay sida aanad marnaba ugu baahnayn in aad codsato nooca afruka, goobta afruka, masaajidka aad ku tukunayso afurka ka dib, Cashada iyo suxuurta. 

Intaas oo dhami waa iska macluum oo waa adigu soo diyaar garow, Xilliga afurkana kaalay goobta dadweynuhu ku afurayo, suxuurtana balanso si laguu toosiyo qolkaagana laguugu keeno.

Qaabka Loo afuro. 

Goob la sii diyaarshay ayay Wiilal gacan fududi  dhamaantiin i idiin soo dhigi afur isku mid ah oo ka kooban sida caadiga ah timir, laba xabo oo saambuus ah, xab-xab , caagad biyo sifaysan ah, liinta dalka oo la miiray iyo shaahii oo caano geel leh.

Cimilada. 

Cimilada dalku xilliga ay ugu wanaagsantahay waa xilliga afurka iyo wixii ka dambeeya ,waxaa lagu wada afuraa barxad laydh macaani ka dhacayso oo dibada ah, iyar ka dibna masaajidka ayaa loo wada dareeraa. Waa markaad is odhanayso yaan dib uga dhoofin.

Burco iyo Maanta. 

Waa xarunta gobalka Togdheer, waa magaalo qadiimiya oo magaceeda soomaali oo dhami taqaano. Waa magaalada labaad ee ugu wayn degaanada  Somaliland. 

Waxa ay kaga duwantahay magaalada Hargeysa dhinaca wadooyinka oo ay leedahay wadooyin waasac ah, baabuurtu marnaba diiqad iyo cidhiidhi ma dareemaan Burco . godad iyo dhagxaan ku dhiba arki maysid sida Hargeysa, 

Waxa kale oo ay leedahay Biyo  haqab la’aan ah,  halka Hargeysa inteeda badan ay booyadi u dhaamiso.

Soo dhawayn iyo faallo. 

Hadii aad Magaalo   marti ku tahay waxa marwalba ku jeclaysiiya ama ku nacsiiya soo dhawaynta aad kala kullanto, sidaas awgeed aan hoosta ka xariiqo sidii ay iigu soo dhaweeyeen Burco  asxaabtaydu oo uu ugu horeeyo Cabdisalaan Ilkacase. 

Burco waxa ay ka koobantahay Afar degmo oo waaweyn mid walbana waxaa hoos yimaada xaafado tiro badan. 

Magaalada waxaa loo kala qaybiyaa galbeed iyo bari oo sida igu maqaalo ah ay midba beelo gaar ahi ku badan yihiin. 

Magaaladu si wanaagsan ayay u camirantahay, ganacsiguna waa cirka oo si wanaagsan ayuu u socdaa, waxaa ku taal Burco Saylada xoolaha ee ugu wayn Somaliland , waxaana  mar aan booqday la kala siisanayey neefkii ku dhawaad 80$. 

Mudadii aan ka maqnaa iyo Isbadalkii aan ku arkay. 

•         5 sanno ee aan ka maqnaa waxaa ku soo kordhay hotelada waaweyn ee ay manta magaaladu ku faanto oo uu ugu dambeeyay Hotel Barwaaqo oo aan labadii habeen ee ugu dambeeyay u soo wareegay.

 •         Waxaa ku soo biiray Biriijka labaad ee Burco oo aan ka tagey isaga oo qabyo ah,

 •         Waxaa ku soo biiray warshado dhawra oo ay ka mid tahay warshada Hillibka,

 •         waxaa ku soo biiray Jaamacada Burco oo aan ka tagey iyadoo qabyo ah maantana ay dhigtaan boqaaal arday inkalena ay ka qallin jabisay.

 •         Waxaa ku soo kordhay cisbitaalka Maandhaye oo wax badan ka badalay nolosha dadka maskaxda ka jiran.

 •         Waxaa ku soo kordhay iyada oo laga hirgaliyay isticmaalka lacagta Somaliland

 •         Guryo badan oo qurxoon iyo goobo gancacsi oo tiro beelay

 •         Iyo waliba is dhexgalka bushada gobalka togdheer oo maraysa halkii abid ugu wanaagsanayd

Daqanka qurbaha iyo ka dalka. 

Marka aad mudo badan ku nooshahay dalka reer galbeedka, waxaa si dadban kuu saameeya dhaqankooda, waxaan hadaba la yaabay sida ay dadku marka ay telefoonka ku hadlayaan ay dhawaaqa kor ugu qaadaan isaga oo marka uu hadlayana afka ku dhawaynaya marka uu dhagaysanayana dhegta, 10 qof ee ag taagan damba kamalaha, iyaguna waxa ay si waadax ah oo aanay diyaar u ahayn ula socdaan , macluumaadka uu ka hadlayo ee isaga u gaar ka ah.

 Dhanka kale dadka dalka degani  wax bay ka barteen dhaqanka qurbo jooga , Tusaale ahaan: waxaan sugayey tagsi aan la balamay,  aniga oo ku talo galay in uu soo yar daahidoono ayuu  5 daqiiqo ka soo hor maray saacadii ballanta , markii aan uga mahadnaqay sida uu wakhtiga u ilaaliyay ayuu igu yidhi , qoladan dalka joogtaanu ka soo habsaanaaye idinka idinkuma safaadno. LOL. 

Heerka Nolosha. 

Nolosha magaalada Burco waa ay ka jabantahay ta magaalada Hargeysa oo hadii aad dhul iibsanayso iyo hadii aad guri dhisanaysaba waa inta Hargeysa badhkeed. 

Intii aan Burco joogay waxaa la igu casuumay Hotel cusub oo Hillib geela caan ku ah  lana yidhaahdo Gollis. 

Waxaan ka yaabay sida uu u camirnaa, waxaanan ku qoslay rag iyaga oo Timirtii  afurka  afka ku haya codsaday in loo soo dhigo wisladoodii.   :)

  Cishaha intii aan la gaadhin martidii timid waxaa loo sheegay in uu dhamaaday geelii balse ay hilib adhi heli karaan.

 •         Cimilada , Cuntada, Cibaadada iyo Sheekada asxaabtu waxa ay ahayd dareen aanay mudo badan maskaxdaydu hilmaami doonin. 

Waxaan ka helay sid ay masaajidadu isgu dhawyihiin ee hadana marka salaada la xidho ay u wada buuxaan.

 Intii aan Buco joogay waxaan dareemay ciidanka Boliiska oo dirays cusub oo quruxoon  loo sameeyay, ku waas oo habeenkii jidadka taagan si ay amniga u sugaan.

 •         Joogitaankaygii Burco oo ku talo galkaygu ahaa 1 habeen waxa uu igu qaatay saddex habeen oo farxad leh. 

Waxaanan dib ugu soo noqday magaalada Hargeysa oo aan markii hore ka tagay.