Hargeysa (Geeska)- Dad badan ayaa aan ku baraarugin sirta ku duugnaan karta dhacdooyin ay la kulmaan inta ay ku gudo jiraan hawl maalmeedkooda caadiga ah, laakiin ay dhacdooyinkaasi yihiin ay marar badan yihiin ishaaro run ah oo ka digaysa in uu cudur jiro ama si dhaqso ah qofka ugu soo fool leeyahay.
Tusaale ahaan khalkhal aan sababtiisa la garanayn oo ku yimaadda hadalka, ayaa ay dadka qaar u yaqaannaan arrin iska caadiya, gaar ahaan marka ay ku arkaan dadka da’da weyn, laakiin khubarada caafimaadku waxa ay xaqiijinayaan in arrintaasi aanay ahayn wax iska dhici kara, balse ay tahay digniin run ah oo muujinaysa in uu jiro khalkhal dhinaca maskaxda ah ama xitaa in cilladi ku timid habsami u shaqaynta wadnaha qofka, suurtogalna ay tahay in qofka ay ku keento dhiig furan maskaxda ah ama wadnaha si kedis ah loogaga soo boodo.
Qofka oo in badan iillaawa hadalkii uu waday, khalkhal kaga dhaca hadalka iyo sida mararka qaarkood dhacda qofka oo dareema in afku waqti yar yara qalloocanayo ama sidii wax qallalay (Sida Faaliga) noqonayo, haddana caadi ku soo noqonaya, arrimahani dhammaantood waa calaamado toos ah oo muujinaya xaaladaha aynu kor ku soo xusnay in ay qofka ku bilowdeen, haddii aanu dhaqso daweyn fiican u helinna ay suurtogal tahay in uu dhaqso nabarku ugu dhufto, Alle uma qaddaro ee.