Maxaa Ku Jeesjeeska Diintu Uu Dalalka Muslimka Qaarkood Uga Yahay Dembi Ciqaabtiisu Dil Tahay?

0
894

Boqollaal dad ah ayaa 3-dii Diisambar 2021, dalka Pakistan ku dilay nin shaqaale ahaa oo u dhashay dalka Sri Lanka, waxa ay ku eedeeyeen in uu ku jeesjeesay diinta Islaamka. Waa la dilay, kaddibna la jiiday jidadka, ugu dambayntiina dab la qabadsiiyey. Dhagartaas oo si weyn loogu baahiyey baraha ay bulshada ku xidhiidho ee internet ka.

Dilalkaas masiibada ah ee eeddoodu tahay ku dheeldheelka iyo aflagaadaynta diinta, laguma tilmaami karo in ay yihiin keliya sharcigii oo gacanta lagu qaatay, garsoor la’aan. Sida ay sheegtay guddida Caalamiga ah ee xorriyadaha diimaha ee Maraykanku, dalka Pakistan waxa uu leedahay xeerarka ciqaabta ee ugu adag ee ka yaalla ku jeesjeeska diinta, marka laga yimaaddo dalka Iiraan oo ka horreeya.

Bishii Diisamabr 2019 kii, Maxkamad ku taalla Pakistan ayaa xukun dil ah ku ridday Junayd Xaafid oo ahaa bare jaamacadeed, kaddib markii ay ku eedaysay in in uu bartiisa Facebook ku aflagaadeeyey Nebi Muxamed (SCW).

Xaafid oo weli xukunkiisu yaallo  maxkamadda racfaanku, waxa uu ka mid yahay illaa 1,500 oo ah, Pakistaani soddonkii sano ee u dambeeyey loo xidhay eedo la xidhiidha ku jeesjeeska diinta. In kasta oo aan weligeedba la fulin xukunnada noocaas ah ee maxkamadaha, haddana tan iyo sannadkii 1990 kii, toddobaatan ruux ayaa ay dileen dad gadoodsan iyo rabshad wadayaal sharciga gacantooda ku qaadanayey, iyaga oo ku eedeeyey in ay islaamka caayeen. Tiro dad ah oo isku dayey in ay difaacaan dadka la eedeynayey ayaa iyagana la dilay, waxaa ka mid ahaa xaafid qareenkiisa iyo laba nin oo siyaasiyiin sare ahaa oo si badheedh ah uga soo horjeestay, dil lagu xukumay Aasiya Bibi, oo ahayd gabadh Kiristaan ah oo lagu eedeeyey in ay tidhi hadallo ay ku caayeyso Nebi Muxamed (SCW). In kasta oo 2009 kii ay maxkamadi beri yeeshay Biibi, haddana dalka dibaddiisa ayaa ay u baxsatay.

Gaalnimo iyo Riddo

71 dal oo ay dembi uu xeer ciqaabeed ka yaallo ay ka tahay gaalnimadu, 32 ka mid ah ayaa ay dadkoodu muslimiin yihiin ama u badan yihiin, in kasta oo ciqaabtan iyo dhaqangelinta xeerarkan ay ku kala duwanyihiin. In muwaadinku gaal noqdo xukun dil ah ayaa ka yaalla dalalka Iiraan, Pakistan, Afghanistan, Burunaay, Muriteeniya iyo Sucuudiga. marka dalalka aan muslimka ahayn laga hadlayana dalalka uu xukun ciqaabeedka ugu adagi ka yaallo ku jeesjeeska diintu, waa Talyaaniga, isagana ciqaabta ugu adag ee lagu mutaysanayaa waa 3 sano oo xabsi ah. kala badh 49 ka dal ee dunida ay muslimiintu tirada badan ka yihiin, waxaa ka jira xeerar mamnuucaya riddada, taas macnaheedu waa in dadka lagu ciqaabo ka bixitaanka Islaamka. Dalalka ay u dejisanyihiin xeerar ciqaabaya ka bixista diinta dawladdu, dhammaantood waa muslimiin marka laga reebo dalka Hindiya.

Xeerarka noocaas ah ee diinta ku salaysani waxa ay caan ka dhex yihiin qaar ka mid ah dawladaha Muslimka. Sahamin ay samaysay xarunta cilmibaadhista ee Pew, illaa boqolkiiba 75  dadka Koonfurta-bari ee Aasiya, bariga dhexe, Woqooyiga Afrika iyo Koonfurta Aasiya ee xog ururinta lagu waraystay, waxa ay doorbidayaan in shareecada ama xeerarka Islaamiga ah laga dhigo xeerarka sharci ee dalka rasmiga u ah.

Dadkaas dhaqangelinta shareecada taageersan, intooda deggen Koonfurta-bari ee Aasiya boqolkiiba 25 ka mid ah, iyo boqolkiiba 50 ka mid ah dadka sahaminta lagu waraystay ee deggen bariga-dhexe iyo woqooyiga Afrika, iyo sida oo kale boqolkiiba 75 ka mid ah dadka shareecada taageersan ee Koonfurta Aasiya, waxa ay taageersan yihiin in ciqaab dil ah lagu fuliyo ciddii Islaamnimada ka noqota (Riddowda).

Culimada iyo dawladda

Buuggayga soo baxay 2019 kii, ee lagu magacaabo ‘Islam, Authoritarianism, and underdevelopment’ waxa uu iftiimiyey xididka ay ku arooraan xeerarka dawlahan muslimka u dejisan ee la xidhiidha ciqaabta gaalnimada iyo ka noqoshada diintu (Riddada), in uu ku yimid isbahaysigii taariikhi ahaa oo dhex maray wadaaddada diinta Islaamka iyo dawladaha.

Sannadkii 1050 miilaadiga waxaa bilowday in qaar ka mid ah culimadii shareecada (Fiqiga) iyo caqiidadu ay bilaabeen in ay si dhow ula shaqeeyaan hoggaamiyeyaashii siyaasadda, si ay uga hortagaan waxa ay ku sheegayeen saamaynta fasahaadka keenaysa ee ay faylasuufyada muslimiintu ku yeelanayeen bulshada.

Faylasuufyadii Muslimka ahaa muddo saddex qarni ah ayaa ay wax weyn ku soo biirinayeen culuumata xisaabta, fiisigiska iyo caafimaadka. Waxa ay curiyeen nidaamka tirsiga ee Carabida ah oo maanta dunida galbeedka oo dhan laga isticmaalo, waxa ay keeneen hal-abuur hordhac u noqday kamaradaha casriga ah ee maanta jira.

Culimadii muxaafadka ahayd waxa ay dareemeen in faylasuufyadii Giriigga iyo wadaadadii Shiicida ee musliminku ay yeesheen saamayn aan wanaagsanayn oo ku liddi ah caqiidada sunniga.

Dhidibbo u taagista caqiidada sunniga waxaa ugu caansanaa caalimkii muxtaramka ahaa ee Al-Qasaali oo dhintay sannadkii 1111.  Kutub kala duwan oo weli si ballaadhan loo akhristo, waxa uu Al-Qasaali ku sheegay in laba ka mid ah faylsuufyadii Muslimiinta oo muddo dheer ka hor dhintay, waa Farabi iyo Ibn Sina ee, ay ka riddoobeen diinta Islaamka, sababtuna ay tahay aragtiyahooda oo khilaafsan Awoodaha Alle iyo dabeecadda jiritaan ee qiyaamaha. Cidda raacda aragtida labadaas faylasuuf, ayaa uu Qasaali qoray in ciqaab dil ah lagu fuliyo.

Sida ay caddaynayaan tariikhyahannada casrigan la joogo ee Umiid Saafi iyo Farank Griffel, baaqaas Qasaali waxa uu xujo u noqday madaxdii Muslimiinta ee intii ka dambaysay qarnigii laba iyo tobnaad, kuwaas oo doonayey cadaadiska iyo xitaa dilka dadkii mufakiriinta ahaa ee loo arkayey in ay khatar ku yihiin nidaam diineedka muxaafadka ah ee xukunka.

Isbahaysiga culimada iyo dawladdu, sida aan anigu ku magacaabo, waxa uu badhtamihii qarnigii 11-naad ka bilowday Aasiyada dhexe, Iiraan iyo Ciraaq, hal qarni kaddibna waxa uu ku fiday Suuriya, Masar iyo Woqooyiga Afrika. Dawladahaas xitaa in qofku su’aal geliyo caqiidada diineed  iyo maamulka siyaasiga ah ee jiray, looma arkayn in ay tahay mucaaradad keliya, balse waxa ay ahayd in diinta laga baxay (Riddo).

Jiho Qaldan

Qaybo ka mid ah Yurubta galbeed waxaa soo maray xukunno ku dhisan isbahaysiga kaniisadda Kaatoligga iyo boqortooyooyinka. Dawladahaasi waxa ay sida oo kale ula dagaalameen fikirkii xorta ahaa.

Xilligii maxkamadihii baadhista ee Isbaanishka (Maxkamado hoostegi jiray kaniisadda) oo jiray intii u dhexeysay qarniyadii 16-naad illaa 18-naad, kumannaan dad ah ayaa la jidh dilay ama loo dilay dembi ah in ay diinta ka riddoobeen. Waxa kale oo dalal badan oo Yurub ah, illaa waqti dhoweyd ka jiray  jiray xeerarka ciqaabta ee aflagaadaynta diinta, in kasta oo dhif la adeegsan jiray. Dalalka Denmark, Ireland iyo Malta dhowaan ayaa ay xeerarkaas laaleen, laakiin weli waa ay ka jiraan qaybo badan oo dunida muslimka ka mid ah.

Dalka Pakistan, kelitaliyihii Diyaa’-ul-Xaq, oo dalka xukumayey 1978 illaa 1988, waxa uu masuul ka ahaa xeerar ciqaabeedka adag ee ka yaalla ku jeesjeeska diinta. Diyaa’-ul-Xaq oo isbahaysi la lahaa culimadu waxa uu dib u cusboonaysiiyey xeerar ciqaabeedka ku dheeldheelka diinta – waxaa xeerarkan marka hore qoray gumaystayaashii Ingiriiska, si ay uga hortagaan khilaafaad diineed oo dhaca – gaar ahaan si ay u difaacaan Muslimiinta Sunniga ah, waxa aanay kordhiyeen ciqaabtii ugu badnayd ee dil ahayd.

Laga soo bilaabo 1920-naadkii illaa xilligii Diyaa’-ul-Xaq, xeerarkan waxaa la fuliyey illaa laba iyo toban jeer oo keliya. Waqtigaas wixii ka dambeeyey ilaa maantana, waxa ay xeerarkaasi noqdeen hub awood badan oo lagu burburiyo mucaaradka. Tobanneeyo dal oo muslimiin ah ayaa iyaguna jidkaas oo kale maray afartankii sano ee u dambeeyey, waxaa ka mid ah Iiraan iyo Masar.

Codadka Mucaaradka ah

Culimada muxaafadka ahayd waxa ay qadiyaddooda ku dhiseen xeerar ciqaabta ee aflagaadaynta diinta iyo diin ka noqoshada (Riddada) iyaga oo xujo ka dhiganaya xaadiiska Nebiga (SCW) ee ahaa, “Qofkii diintiisa beddela dila” Laakiin in badan oo ka mid ah culimada Islaamka iyo indheergaradka muslimiintuba waxa ay arrintan u arkayeen xagjir. Waxa ay ku doodayaan in Nebi Muxammed (SCW) aanu weligii hal qof u dilin diin ka noqosho (Riddoobid), xitaa aanu asxaabtiisa ku dhiirrigelin in ay sidaas yeelaan. Sida oo kalana in ku jeesjeeska Islaamka laga dhigo dembi ciqaab lagu mutaysanayo ayaa aan xujo looga soo helayn Qur’aanka Kariimka ah. Waxaa ku jira in ka badan 100 aayadood oo dhiirrigelinaya nabadda, xoriyadda damiirka iyo isu dulqaadashada diineed.

Suuradda labaad (Al-Baqrah), aayadda 256, Qur’aanku waxa uu caddeeyey, “In aan diinta la isku dirqiyeyn”. Suuradda afaraad (A-Nisaa’), aayadda 140, waa ay Muslimiinta ku borrinaysaa in ay keliya iskaga tagaan sheekooyinka ku-dheel-dheelka diinta ah: “Haddii aad maqashaan aayadaha Alle oo laga gaaloobayo, laguna dheeldheelayo, ha la fadhiisanina..”

Si kastaba ha ahaato ee, culimada muxaafadka ahi  iyaga oo xidhiidhadooda siyaasiga ah iyo awoodahooda taariikhiga ah adeegsanaya ayaa ay takooreen codadkii qunyar socodka ahaa ee dunida muslimka.

Ka dareen celinta Islaam nacaybka Caalamiga ah

Doodadaha muslimiinta dhexdooda ah ee la xidhiidha xeerarka ciqaabeed ee ku dheel-dheelka islaamka iyo diin ka noqoshada (Riddada), waxaa raad ku yeeshay siyaasadaha iyo duruufaha caalamiga ah.

Dunida oo dhan, Muslimiinta laga tirada badanyahay – waxaa ka mid ah Falastiiniyiinta, Jeejniyiinta Ruushka, Kashmiiriyiinta Hindiya, Rohingya-ha Mayanmaar iyo Uighurs ka Shiinaha – waxa ay la kulmeen cadaadis kala duwean. Mana jirto diin sida Islaamka oo kale loo beegsado dunida, taas oo ka dhacda dalal badan oo kala duwan.

Cadaadiskaas Muslimiinta lagu hayo, waxaa qayb ka ah siyaasadaha reer galbeedka ee takoorka ku haya Muslimiinta, sida xeerka mamnuucaya in Hablaha dugsiyada ay madaxa daboolaan.

Xeerarka iyo siyaasadaha noocaas ah ee ku dhisan islaam ka sasku waxa ay abuuri karaan faham ah in islaamka lagu hayo go’doomin waxa aanay marmarsiinyo u noqon karaan in xukunnada ciqaabta dadka diinta ku dheeldheela ama aflagaadeeyaa ay tahay diintii oo la difaacayo. Taas beddelkeeda, waxa aan ogaaday in xeerarkaas diineed ee qallafsanai ay sii xoojinayaan  aragtiyaha Muslimiinta ku liddiga ah. qaraabadayda Turkida ah qaarkood ayaa xitaa iga waaniya in aan mawduucan ka shaqeeyo, iyaga oo ka cabsi qaba in uu sii xoojiyo islaam nacaybka.

Laakiin cilmibaadhistaydu waxa ay daaha ka fayday in dembi ka dhigista ku jeesjeesidda iyo ka noqoshada diintu ay siyaasadaysan yihiin in ka badan inta ay diin yihiin. Qur’aanku ma qabo ciqaabta noocan ah, waxa se sidaas qaba siyaasadaha keli taliska.

Axmed T. Kuru

Baresare oo culuumta siyaasadda ka dhiga jaamacadda San Diego ee Maraykanka.