Habka Yaabka Leh Ee Shimbirka Tukuhu Uu U Qabto Janaasada Walaalkiisa Dhinta Iyo Sida Uu Cadowgiisa U Garto

0
847

London (Geeska)- Shimbirka tukuhu waxa uu leeyahay hab-dhaqan aanay la wadaagin shimbraha kale oo ah in marka uu mid ka dhinto inta uu isu habarwacdo uu is-dultubo oo dhawaq aad u dheer uu ku muusanaabo. Dad badan ayaa arrintan ku turjumay in dabeecaddan tukuhu ay tahay hab tacsida uu ugu ugu qabt midka jinsigiisa ka dhinta, sidaas oo ay tahay haddana xaqiiqadu waa in sababta runta ah ee arrintan ku kallifta tukuhu ay tahay hal-xidhaale aan furfuristiisa weli la helin.

Haddaba koox cilmibaadhayaal ah ayaa bilaabay in ay fasiraad cilmi ah u raadiyaan sababta tukaha ku dhalisa hab-dhaqanka, natiijo horudhac ah oo u soo baxday ayaanay ku ogaadeen xaqiiqo kale oo ah in tukuhu aanu illaawin wejiga cidda khatar ku keenta noloshiisa, oo weliba colaad iyo aargoosi uu kula kaco, tusaale ahaan tukuhu waxa uu isu wada sheegaa wejiga qofka mid ama koox ka mid ah dilay ama khatar geliyey, mar kasta oo uu tukuhu qofkaas wejigiisa arkana cod dheer oo dhiillo leh ayaa uu ku dhawaaqaa lana daba socdaa inta uu qofku ka libdhayo, tijaabo ay khubaradu sameeyeenna waxa ay ku ogaadeen in qofkaas uu tukuhu xumaanta ka tirsanayo, xitaa aanu ka aqbalin in uu cunto ama cabbitaan siiyo ama u soo dhowaado. Waxa kale oo tijaabadan ka soo baxay in tukuhu uu ka fogaado deegaannada mid lagaga dilo ama uu u arko in uu noloshiisa khatar ku yahay.

Waxa kale oo ay xeeldheerayaashu sheegeen in dabeecaddan tukaha ee ah in uu ku soo ururo kooda dhintaa ay tahay hab abuur ah oo eegista bakhtiga tukahan uu ku garto illaa heerka ay khatarta jirtaa gaadhsiisan tahay kana tilmaam qaato si uu isugu sheego uguna baraarugsanaado in nabadgelyadoodu ay khatar ku jirto.

Natiijada daraasaddan uu Geeska Afrika turjumay oo ay baahisay majaladda Animal Behavior ee ka faalloota hab-dhaqanka xayawaanka ayaa lagu sheegay in tukuhu uu leeyahay xusuus aad u xoog badan oo xitaa wejiga qofka wax yeelleeya aanu sannado badan illaawin, isla markaana ay maskaxdiisu leedahay xirfad yaab leh oo ay ku garan karto dadka khatarta ku ah noloshooda iyo kuwa aan dhibaato ula socon.

Arrinta kale ee ay xeeldheerayaashu sheegeen ayaa ah in tukuhu uu yahay xayawaanka ugu dambeeyey ee xayawaanno marka horeba tiro yaraa oo lagu yaqaannay in ay gartaan maydka kooda dhinta ama xitaa ay sameeyaan ficillo lagu macnayn karo jinaaso. Balse xayawaannadaas kale ay iyagu dabar-go’een. Waxase jira xayawaanno weli jira oo leh dabeecado kuwaas ku dhow, waxaana ka mid ah Maroodiga, Daanyeerka noociisa Chimpanzees lagu yidhaahdo afka qalaad iyo noocyo shimbiraha ka mid ah oo midka ka dhinta muddo dul jooga.

Sida uu Alle (SWT) Qur’aanka Kariimka ah ku sheegayna markii labadii wiil ee ilma nebi Aadam (CS) ay is qoonsadeen ee midkood la dilay, kii wax dilay oo Haabiil ahaa waxa uu arkay tuke aasaya walaalkii oo mayd ah, kadib inta uu naftiisa ku canaantay in ay garan weyday inta uu tukahaasi gartay ayaa uu aasay maydka walaalkiisa uu qudha ka jaray. Tan iyo maalintaasna inta badan ee dadka dunida ku uumman waxaa caado u ah in ay maydkooda aasaan. Ugu dambayntii daraasaddani waxa ay ka marag kacaysaa hab-dhaqankaas tukaha ee uu Qur’aanku inoo iftiimiyey muddo ka badan 14 qarni ka hor