Habka Ugu Fudud Ee Uu Ninku Maalmo Gudahood Kaga Badbaadi Karo Is-Fahmi Waaga U Dhexeeya Xaaskiisa (2)

0
673

Picture5

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadii uu wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey tallaabooyin ay xeeldheerayaasha cilmiga bulshadu sheegeen in haddii ay maraan lammaanaha is qabaa u sahlaya in ay ka gudbaan is-fahmi waaga iyo muranka,  una dhowdahay in ay dib u soo nooleeyaan xidhiidh wanaagoodii.

4. Dood adag la gal: Waxaa muhiim ah in ninku uu xaaskiisa u dood iyo muran kala galo arrin uun si uu midkoodba u fahmo aragtida kan kale. Waa ay fiican tahay in lammaanaha mid kastaa uu fahmo aragtida iyo hab-fikirka kan kale sidaa awgeed in arrin laga doodo siyaasi ama mid bulsho ka uu doono ha ahaado ee ayaa keenaysa in la fahmo sida uu qofku arrimaha u go’aaminayo iyo sida ay suurtogal u tahay in la doodo oo la murmo iyada oo aan midkoodna cadhoon. Si kale haddii aynu u dhigno waxaa fiican in ninku uu xaaskiisa si dadban ugu tababaro in ay la doodi karto oo muran la geli karto iyada oo aan cadhoon, isna sidaa si le’eg.

Dooddan muranka ah ee uu ninku bilaabayaa waa in ay noqoto mid uu awoodi karo in uu isagu xakameeyo si ay gabadha ugu noqoto tababar ay fahamto in la doodi karo oo arrimo badan si adag looga murmi karo iyada oo aan la gaadhin heer cadho iyo xidhiidhka oo xumaada. Dad badan ayaa aaminsan in qofka oo aad la muranto oo aad gaadhsiiso cadho halka ugu dambaysa kadibna si deggen xaaladda u soo dejisaa ay dareensiinayso in iyada oo aan la kala tegin la murmi karo kadibna aakhirka la isu garaabi karo, ama ugu yaraan aan cadhadu xidhiidhka wax yeeli karin. Arrinta ugu muhiimsan ee ay tahay in lammaanuhu fahmaanna waa in noloshu aanay ahayn, “Guulayste iyo laga guulayste”

5. Khad cagaaran oo aan laga gudbin samaysta: Mid kasta oo idinka mid ahi ha  caddaysto meelaha uu jecel yahay in ay shakhsi u ahaadaan oo aan dood iyo sheeko laga gelin. Si qofka kalana uu u fahmo in dood kasta iyo muran kastaa uu noqdo mid aan gaadhin khadkaas cas ee mid kasta u jeexan. In qofka aad murmaysaan aad ka ilaaliso in aad taabato boogihiisa xasaasiga ah iyo arrimaha uu jecel yahay in aanu dood ka gelin, waxa ay keenaysaa in doodda iyo muranku noqdo mid raaxo iyo madadaallo ku dhammaada. Waxaa muhiim ah in ninku uu ku dadaalo in xaaskiisa uu la doodo oo la murmo isaga oo aan ka cadhaysiinayn.

6. Maamulka Xisaabaadka iyo isla meel-dhigista kharashka: Waxaa fiican in lammaanuhu ay samaystaan miisaaniyad qoran oo ay ku caddahahay kharashaadka ay muhiim tahay in dhaqso loo galo, kuwa dib loo dhigan karo iyo kharashka laga maarmi karo. Wada jir u qorta jadwal aad isla ogoshihiin oo aad ku caddaynaysaan kharashaadka billaha ama sannad laha ah iyo sida ay u kala mudan yihiin.

Haddiiba ay dhacdo in uu khalkhal ku yimaaddo ama midkiin doono in wax-ka-beddel lagu sameeyo waxaa fiican in aad si wada jir ah u wada fadhiisataan oo si maangal ah uga dooddaan isuna qancisaan. Ninku haddii uu shaqeeyo ama shaqayn karo waxaa sax ah inuu isagu qaato masuuliyadda ugu badan ee kharashka qoyska, xitaa haddii ay xaaska qudheeduna shaqayso. Gaar ahaan Ragga Soomaalida ee ku dhaqan gudaha dhulka Soomaalidu waa in ay fahamsanadaan in uu dhaqanka soo jireenka ah iyo shareecaduba isaga waajib kaga dhigayaan qaadista masuuliyadda dhaqaale ee qoyska. Dhammaad.