Ha Karaamo Seegina (United Somali Alliance )Habaar La Igu Kari Waaye

0
1107

Jamhuuriyada Somaliland waxay horumar ka sameeysay dhinacyada dawladnimada, dimuqraadiyada, nabada, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, iyo ictiraaf radinta, iyagoo la kaashanaya qurba jooga iyo saaxibada Somaliland.

Dadaalka iyo dhaq-dhaqaayada xoogan waxaa mar qudha ku baraarugay Somaliya, dawladdo shisheeye ah iyo kooxo ka xun jiritaanka Somaliland.

Waxaa se ku faraxsan saaxibada taageera Qadiyada Somaliland.

Cadawgu wuxuu si gaar ah uga naxay xidhiidhka iyo iskaashiga dawladda Mareykanka iyo Jamhuuriyada Somaliland, oo ah in Mareykanku Somaliland ula macaamilo sida dal iskii u jira oo la mid ah sida uu ula macaamilo dalka Tawian.

Hadaba Madaxweynaha Somaliya bal inuu is hor taagi karo iskaashiga labada dal, wuxuu safaaradiisa Mareykanka u magacabay raggii ka hadhay dublamaasiyiintii rajiimkii Maxamed Siyaad Barre, oo lagu xoojiyey dambilayaal ka qayb qaatay xasuuqii shicibka Somaliland ee sannadihii (1988-1991), ee u baxsaday Mareykanka iyo Canada oo dacwado kaga socdaan Maxkamaddaha Mareykanka, waxaa iyaguna ololaha qayb ka ah kooxo cadhaysan oo qurba joog ah, oo la baxay IUnited Somali Alliance oo gacan saar la leh ama la shaqeeya Safaarada Somaliya ee Washington DC.

Kooxdani waxay u badan yihiin dambilayaal si uun qayb uga ahaa dambiyadii ka dhacay Somaliland, oo ka baqaya in maalin uun lala xisaabtami doono.

Madaxweyne Xasan Sheekh muxuu Raggan ugu doortay in Safaaradiisa Washington ka hawl galaan?

Inuu kaga faa’iidaysto nacaybka iyo cadaawada ay u qabaan Somaliland, iyo inay ka halaan xasaanad si aan loogu soo oogin dacwadaha uga furan Maxkamadda iyo baadhitaanada qaarkood ku socda.

Si kastaba ha ahaate Safaaradda Somaliya iyo kooxda kor ku xusan iyaga oo wada jira waxay baraha bulshada ku faafiyeen qoraalo iyo dayaacado wax loogu dhimayo sumcada Jamhuuriyada Somaliland ama lagu durayo xidihidhka cusub ee labada dawladdood (USA iyo  JSL), wararkaas raqiiska ah ee ay la wareegayaan waxa ka mid ah in xubnaha Barlamaanka Ingiriiska ee u ololaya aqoonsiga Jamhuuriyada Somaliland iyo xubnaha labada aqal ee Mareykanka ee dabada ka riixayey xeerka loo soo gaabiyo NDAA, in lacago laaluusha ah ka qaataan Xukuumadda Somaliland.

Runtii waa meel ka dhac iyo hadalo aan laga fiirsan oo xaqiiqada ka fog, waxaanay se ogeyn Mareykanku danihiisa in aanu cidna waxba ka weydiin,gaar ahaan arrimaha khuseeya amniga Qaranka.

Tusaale waxaa idinku filan Madaxweynaha Somaliya booqashadiisi Mareykanka waxaa lagu wargeliyey in aanu Wasiirka Gaashandhiga kala hadli karin iskaashiga dhex mnaray Mareykanka iyo Somaliland, sidaas daraadeed dad qaxoonti ku yimid ama ku jooga waxba kama bedeli karaan Siyaasada Mareykanka ee ha ku kaaramo seegina, arrimaha Somaliland ha ku daalina, horaba habaar loogu kari waaye. 

Cabdiraxmaan Caddami

Email:abdirahmancaddami33@yahoo.com