“Waxaynu Doonaynaa Somaliland Oo Xeerarkeedu Hagaagaan, Oo Aynu Waliba Ku Dabaqno Dastuurkeen..”

0
1076

Hargeysa (Geeska)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf, ayaa tilmaantay inay muhiim tahay in la barto Dastuurka iyo Xeerarka dalka, waxayna xustay inay Wasaarad ahaan Gobolada dalka oo dhan ka jiraan,  isla markaana  wada shaqayn leeyihiin Hay’addaha kala duwan ee Dawliga.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xdhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf, oo u warantay Wargeyska Geeska Afrika waxay ugu horeyn tidhi “Wasaaraddu guud ahaan Gobolada oo dalka oo dhan ayey ka hawl-gashaa, waxaana Gobolada dalka ku leenahay Isuduwayaal, waxaana wax lagu farxo ah in heer Qaran, heer Gobol, heer Degmo ilaa heer Tuulo inay dadkeenu wax badan ka barteen Dastuurka iyo Wadaniyada, taas oo aanu u hagarbaxnay isla markaana dadaal dheeraad ah u hurnay Xukuumad ahaan iyo Wasaarad ahaanba, xarunta barashada Dastuurka iyo Wadaniyadana waxaa ka baxay 3000 oo dhalinyaro, kuwaas oo iskugu jira hablo iyo inamaba, waxaana ku rajo weynahay insha allaah in aanu sii balaadhino, intaasna aad aanu uga sii kordhino, madaama hadafkayagu yahay sidii dadkeenu u baran lahaayeen Dastuurkooda Qaranimadoodai iyo Wadaniyadooda, oo Wasaarad ahaan waxaanu rabnaa in KG, Dugsi hoose, Dugsi Dhexe, Dugsi sare ilaa heer Jaamacadeed inay Ardaydeena,Dhalinyaradeena iyo Dadkeenuba bartaan Dastuurkooda, ilaa Ardayda naafada ah ayaanu doonaynaa in aanu Dastuurka iyo Wadaniyada barno”.

Mar ay ka hadlaysay Hay’addaha Dawliga ah ee ay Wasaarad ahaan wada shaqayn leeyihiin waxay tidhi “Madaama ay Wasaaraddu tahay Wasaarad balaadhan, Hay’addaha kala duwan ee Qaranka wada shaqayn ayaanu leenahay, Golayaasha Qaranka wada shaqayn ayaanu leenahay, inkastoo Golaha Wakiiladu uu muddo kooban joogay, haddana waxaa jirtay in aanu u qabanay tababar,Komishanka Tacliinta sare wada shaqayn ayaa inaga dhexeeya, Wasaaradda Cadaalada wada shaqayn ayaa naga dhexeeya, markaas madaama aanu nahay Wasaaradda xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka, Hay’addaha kala duwan ee Dawliga waanu wada shaqaynaynaa”

Mar ay ka hadlaysay Xeerarka dalka waxay tidhi“Waxaynu doonaynaa Somaliland oo xeerarkeedu hagaagan, oo aynu waliba ku dabaqno Dastuurkeena oo ah sharciga ugu sareeya dalka, wax la isku diidan yahay ma jirto, balse waxaa mar kasta wax lagu xalin karaa in xeerarka iyo shuruucda dalka sidooda loo raaco,Somaliland ahaana mar haddii aynu nahay dal jira oo madax banaan, oo Madaxweyne leh, Dastuur leh, Calan leh, Lacag u gaar ah leh, Ciidamo kala duwan oo u gaar ah leh, Golayaasha kala duwan ee qaranka leh, halkaynu hiigsanayno weynu gaadhi doonaa, halkaas oo ah Ictiraafka aynu xaqa u leenahay”.

Dhanka kale waxay ku baaqday in la qaado talaabo kastoo lagaga hor tagi karo xanuunka xumada, waxayna guud ahaan Shacabka ku boorisay inay qataan tallooyinka ay Wasaaradda Caafimaadka iyo Dhakhaatiirtu u soo jeediyaan.