Arrimaha Caafimaadka:  Xumadda Hargeysa Ka Dilaacday (DENGUE FEVER) 

0
351

Muddo dheer ka dib, waxaynu ku eegaynaa qormo ku saabsan Xumadda Hargeysa ka dilaacday (Dengue Fever) taas oo dhawaan ku habsatay magaalada Hargeysa . Cudurkan ayaa ah saf-mar uu keeno mid ka mid ah fayrasyada ( Virus) ay wal-waasho kaneecadu . virus kan ayaa loo yaqaanaa Flavivirus. Virus kan waxa qaada kaneecada qaybta loo yaqaano AEDES EGYPTI, summada kaneecadan ayaa ah in ay leedahay liidad isugu jira cadaan iyo madow sida tuutaha oo kale. Kaneecadan ayaa dadka inta badan cunta labada fiidadow. Kaneecada ayaa kolka ay qaniinto qof uu hayo fayraskan, ka soo qaadda isla markaasna u gudbisa qofka kale ee ay qaniinto. Waxa kale oo uu u kala gudbi karaa hooyada iyo uur-jiifka xilliga uu urka ku jiro ama dhalmada. Waxa xusid mudan in ay kaneecadani tahay tu ka duwan ta gudbisa xanuunka Duumada ( MALARIA). Taasi waxa ay cadayn u tahay  in cudurkan gebi ahaanba uu ka duwan yahay cudurka kaneecada.

Fayraskan waxa uu leeyahay 4 qaybood oo kala duwan kaas oo qofka hadii uu mid ku dhaco isla markaana ku kale asiibo keenaysa xanuun ka halis badan kii hore. Difaaca jidhka ayaa uga jawaaba ka labaad si halis badan taas oo qofka xaalad caafimad darro aad u daran gelin karta.

Cudurkan waxa uu ku badan yahay da’aha u dhaxeeya 16-45 jir. Waxa iyagana lagu arki karaa caruurta yar-yar iyo kuwa roon-roonba. Haweenka ayaa halis ugu jira in dhaawac culusi soo gaadho qaybo ka mid ah xubnaha jidhka.

Astaamaha cudurkan waxa ugu mudan xummad kulul oo qaadata dhawr cisho taas oo noqon karta joogto ama mid goos-goos ah( kolna tagaysa kolna soo noqonaysa).  Waxa lagu arki karaa bukaanka finan ka soo baxa jidhka marka laga reebo 4ta baabaco ee cagaha iyo gacmaha. Waxa Iyana lagu arki karaa garaac jidhka oo dhan kaas oo afka qalaad loo yiqaano ( break-bone fever), indhaha oo garaaca, cunaha oo xanuuna, qanjidhada difaaca oo barara, madax xanuun, yalaalugo, matag iyo lafo, xaglo iyo muruq xanuun.

Xanuunkan ayaa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah mid sahlan iyo mid halis badan. Summadaha nooca halista badan waxa ka mid ah qofka oo miyir beela, dhiig bax  ( sanboor ama cirradka oo dhiiga), matag ama saxaro dhiig la socdo iyo qaar ka mida dheecaanada jidhku soo saaro oo kaca. Fadlan hadaad aragtid astaamahan oo kale degdeg ula xidhiidh dhakhtar.

Waxaa ka mid ah dadka u nugul in ay galaan xaalad halis badan dadka la nool cudurada sida macaanka, xiiqda iyo wixii la hal maala, caruurta yar-yar, dadka uu hore ugu dhacay iyo dadka ay hayso nafaqo darradu.

Cudurkan waxa lagu ogaadaa dhawr nooc oo baadhitaano ah sida dhiiga iyo biyaha maskaxda iyo xangullaha mara. Waxa la arki karaa dheecaanada difaac ee jidhku kaga jawaabay ama waxa lala kulmi karaa fayraska qudhiisa iyada oo la adeegsanayo PCR.  Waxa uu qofkan yeesha in ay hoos u dhacaan unugyada cad-cad ee dhiiga kuwaas oo qaabilsan difaaca jidhka iyo unugyada sameeya xinjirta dhiiga.

Waxa xusid mudan in aanu cudurkani lahayn dawo rasmi ah isla markaana ay tahay in lala tacaalo keliya cabashooyinka bukaanka. Mudnaanta koowaad waxa leh xummad jebiye iyada oo la adeegsanayo keliya dawada loo yaqaano paracetamol. Akhriste fadlan iska jir in aad qaadato dawo xanuun biiye ah ama xummad jebiye ah oo aan ahayn PARACETAMOL maadaama ay dawooyinka kale kor u qaadi karaan halista dhiig-baxa. Waxa kale oo la adeegsan karaa in maro qoyan bukaanka la saaro ama uu maydho. Cabitaano badan baa muhiim u ah xaaladan caafimaad maaraynteeda.  Mararka qaar waxa uu bukaanku u baahan karaa in lagu shubo dhiiga qaybta xinjiraha samaysa balse maaha in lagu shubo bukaanka dhiigan iyada oo loo adeegsanayo ka hor-tag ahaan halka ay tahay in lagu shubo keliya marka ay u baahato xaaladda bukaanku.

Dawooyinka nooca loo yaqaan corticosteroids ka ayaa halis gelin kara xaaladda caafimaad ee qofka kolka ay xummadani haleesho. Daawadan ayaa ah mid hablaheenu inta badan u adeegsadaan in ay isku cadeeyaan.

La dagaalanka kaneecada ayaa ah qodobka ugu muhiimsan ee lagaga hor tago cudurkan. Waxa ka mid ah in la buufiyo kaneecada, la adeegsado maro-kaneeco, la xidho dhar dhaadheer oo aanay ka soo gudbi karin qaniinyada kaneecadu iyo in meelaha biyuhu fadhiistaan laga la dagaalamo kaneecada.

Waxa Diyaarisay Deeqa Aadan 

Email:deeqadahab17@gmail.com