“Guurtidu Waxay Ahayd Inay Qaadato Waxa Lagu Heshiiyay”

0
580

Picture4Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Somaliland Xasan Guure Jaamac, ayaa  sheegay in wax qiimo leh aanay lahayn in Saddexda Xisbi iyo Xukuumaddu inay isku yimadaan oo la cayimo wakhtiga Doorashadu ay qabsoomayso, balse ay haboon tahay in laga wada hadlo sidii Doorashada loo gali lahaa. Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Somaliland Xasan Guure Jaamac ayaa isaga oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika  ayaa yidhi   “Guurtidu waxa ay ahayd inay qaadato waxa ay dadku ku heshiiyey, oo halkii ay iyadu khilaafka ka dejin lahayd aanay iyadu khilaaf abuurin, waana ayaan daro inay Guurtidu iyadu khilaaf abuurto, waxaana odhan lahaa wakhtiga lagu heshiiyey ha loo daayo, wax badan oo qabyo ah oo ka muhiimsan in la qabto oo meesha yaala ayaa jira, oo Dawladnimadeeni iyo Qaranimadeenii ayaa qabyo badani ka jiraa, waxa aynu ogeyn wax alaale wixii ay Dawladdu gacanta ku haysay, in si sharci daro ah loo isticmaalo, waxa alaale wixii ay Umaddu lahayd ee Dawladdu gacanta ku haysay, waxa aynu ognahay in eex, qabyaalad iyo laalusho  in lagu bixiyo,ilaa Ardayda Jaamacadaha ka soo baxda iyo dadka kaleba Weji ayaa lagu qoraa, Maxkamad haddii ay wax kaa galaan Sharcigeena weynu ognahay oo cadaalad darada taala Maxkamadaha weynu ognahay”.

Xasan Guure Jaamac mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi “Wixii ay Xukuumaddu gacanta ku haysay marka eex iyo qabyaalad lagu bixiyo, waxay noqonaysaa in dadkii ay iska hor yimadaan, arimaha u badan in lagu wada hadlo oo muddo dheer lagu mashquullsanaa waxa ka mid ahaa Doorashooyinku ha dhacaan, waxa dhici karta in Doorashooyinka lagu isku dilo, oo Nabadgeliyada inaga burburiso, waxa aynu ognahay Doorashaadii ugu danbaysay ee Dawladdaha hoose wixii ka dhacay, waxa aynu ognahay in Maxkamaddu qaban weyday dacwadaha dadkii cabanaayey, Bari marka intaas oo qof oo Barlamaanka ah iyo Madaxweynaha, intaba la yidhaahdo ha la galo, muranka ka dhasha ayaa maraynaya, xaggee se lala tagayaa, Maxkamada kala saaraysaa waa tee, waxa ay ahayd qoladan Dawladda iyo Xisbiyadu in aanay ka wada hadal oo qudha wakhtiga Doorashada la qabanaaye ee waxa ay ahayd inay ka wada hadlaan oo iyaga iyo dadku ka wada hadlaan sidee baa Doorashada soo socotaa aanay inoogu abuurin iska hor imaad, cidii ina kala saaraysay iyo sidii loo kala baxaayey, sidee baa looga sii wada hadli karaa, saami qeybsigii ayaa yaala sidee ayaa loo qaybinayaa, Barlamaanka sidee ayaa loo galayaa, Guurtida sidee ayaa loo soo dooranayaa, Toban Sanno ayaa Barlamaanku fadhiyey, Tobankaas Sanno hawsha taalay waxa ugu mudnayd sidii iyaga loo soo dooran lahaa iyo wakhtiga la dooran lahaa, xeerkeediina mayna diyaarin”. Xasan Guure Jaamac ayaa mar uu ka hadlaayey dhibaatooyin uu sheegay inay Xukuumaddu abuurtay ayaa yidhi “Maalin kasta waxa la isku dilaa mushkilad ay Dawladda hoose abuurtay, waxa la yidhi Badrool ayaa la qodayaa wey suurtageli weyday, waxa la yidhi Sibidh ha la sameeyo wey suurtageli weyday, waxa ay markaas Uamddani u baahan tahay, oo aynu u baahan ahay in la isku yimaado oo laga wada hadlo dhibaatooyinkan faraha badan, oo ta ugu horeeysay ay tahay inta badan Kursi ayeynu ka hadlaa ee sidee ayeynu Kursiga ugu kala baxaynaa, oo haddii aynaan imika ka wada hadal, Bari ayeynu isku dilaynaa, marka waxa kale laga yimaado waxa ay ahayd in Saddexda Xisbi ka wada hadlaan Doorashadaas dhacaysa sidii ayeynu u kala baxnaa, cidii soo bixi weydaa sidee ayeynu u qancinaa” Guddoomiyaha Madasha ayaa mar uu ka hadlaayey Iskaashigii Mucaaradka ayaa yidhi “Isbahaysiga waxa aanu isku ogeyn 26-june inta ka horeeysa Dawladdu inay qabato Madal la isku dhan yahay, dabadeedna Madashaas lagaga tashado dhibaatooyinkaas faraha badan ee yaala, ee aanu ognahay in Dawladdani aanay dhamaynin, Dawladda danbe ee timaadana aan ogahay in aanay dhamaynaynin haddii aynu sidan ku galno, haddii aanu nahay isbahaysiga Barlamaanka Wakhtigii ayaa ka dhacay, Guurtida wakhtigii ayaa ka dhacay, wax aanu qabnay in Hay’adda qudha ee sharciga ahaanaysa inta ka horeeysay 26-june, waa Madaxtooyada, Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, Bari haddii wakhtigu ka dhaco maxaynu ku kala baxaynaa, waxa aanu anagu qabnaa sidii aanu horeba ugu baaqnay 26-june ka hor in la isku yimaado, oo laga wada hadlo qabyada faraha badan ee taala, haddii lalga wada hadli waayo waxa aanu ognahay in dhibaato badani dhacayso, oo aan Doorashaba la isla gaadhi doonin”.