Cabdillaahi Geeljire Oo Tallooyin Ku Saabsan Nidaamka Cadaalada U Jeediyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

0
514

Picture2Hargeysa(Geeska):-Wasiirkii hore ee kaluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland Md.Cabdilaahi Jaamac Cismaan(Geel-jire), ayaa talooyin ku saabsan ka shaqaynta iyo illaalinta cadaalada u soo jeediyey guddoomiyaha cusub ee maxkamada sare Pro.Aadan Xaaji Cali oo dhawaan madaxweyne Siilaanyo u soo magacaabay xilkaas, waxaana uu sheegay in nidaamka cadaaladu uu yahay mid xaga Illaahay iyo bani-aadamka agtiisaba aad ugu culus, isla mar ahaantaana looga baahan yahay in guddoomiyaha cusub uu ku shaqeeyo ka tala qaadashada dadka ka shaqeeya nidaamka hay’adaha cadaalada sida oo kalena uu Illaahay talo saarto. Md.Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), ayaa hadalkan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu ugu horeyn dhambaal hambalyo ah u diray guddoomiyaha cusub ee maxkamada sare Pro.Aadan Xaaji Cali isaga oo sida oo kalena madaxweyne Siilaanyo ugu mahad celiyey soo magacaabistiisa. "Marka hore waan hambalyeynayaa guddoomiyaha cusub ee Maxkamada sare Pro.Aadan Xaaji Cali, waxaan kale oo aan mahad-naq u jeedinayaa madaxweynahii soo magacaabay iyo Labada gole ee maanta ansixiyey, waxa weeye waxaan rajaynayaa maanta kala guur ayaa jira oo uu noqon doono halkii lagu kala guurayey ee aynu ku kala guuraynay ee cabashooyinku ka imanaayeen oo qaybta garsoorka cadaalada uu hore  marin doono, wax badana ka qaban doono iskuna duba ridi doono marka aynu eegno aqoontiisa oo uu ta maadiga ah iyo mida Diiniga ahba uu aqoon u leeyahay, nin dabeecad wanaagsan oo furfuran weeye, nin dad la macaamil leh weeye, nin barre sare ah oo xirfadiisa gudbin kara, qoraana ah weeyaan iyo waliba odhaahna ku odhan kara, nin caalamku sida uu u shaqeeyo fahmi kara weeyaan, waana dadkii aynu u baahnayn oo waa dhalinyaro awood iyo kartiba leh, waxaana aan Illaahay uga baryeyaa in xilka u fududeeyo isna uu si fiican waajibkiisa guto, innaguna bulsho ahaan isbarbar istaagno.".Ayuu yidhi Md.Cabdilaahi Jaamac Cismaan(Geel-jire). Md.Cabdilaahi Jaamac Cismaan oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa tilmaamay in guddoomiye Aadan Xaaji Cali uu yahay nin dhalinyaro ah oo leh karti iyo awood badan oo wax kaga qabto baahiyahii nidaamka cadaaladeed ee ay dadku tabayeen, waxaana uu soo jeediyey in si wada-jir ay xukuumada iyo bulshada Somaliland ugala shaqayso si  loo helo cadaalad buuxda. "Guddoomiyaha cusub ee maxkamada sare, waxaa laga sugayaa in uu noqdo Mishiinkii sii itaadhay shaqada ay dadka garsoorku u hayaan bulshada, kana shaqaynaayey isku xidhkooda, waxaana aan isaga u sheegayaa wax uu isagu ogyahay oo ah in cadaaladu ay tahay shay aad miisaankeedu uu xaga Illaahay iyo xaga dadnimadaba miisaan weyn ku leh oo uu kaga baxo dedaal iyo hor Illaahay, waxaan leenahay cadaalad ayaa lagaaga baahan yahay in aad hoggaamiso, qeybo badan weeyaan in aad la shaqayso ayaa loo baahan yahay, adiga iyo qeybaha aad la shaqaynaysaaba waa in haddii ay garsoorada tahay , haddii ay xeer illaalin tahayba, xukuumada iyo shicib weynahaba laga wada shaqeeyo sidii cadaalada looga shaqayn lahaa.".Ayuu yidhi Md.Cabdilaahi Jaamac Cismaan(Geel-jire).