Baarlamaanka Oo Aqlabiyad Ku Ansixiyay Gudoomiyaha Maxkamada Sare

0
570

Picture5Hargeysa(Geeska):-Fadhi aan caadi ahayn oo ay si wada-jir ah u yeesheen Labada gole Baarlamaan ee Wakiilada iyo Guurtidu, ayaa ay ku ansixiyeen guddoomiyaha cusub ee Maxkamada-Sare ee Somaliland Pro.Aadan Xaaji Cali oo dhawaan xilka guddoomiyenimadaas uu u soo magacaabay madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Md.Axmed Maxamed Siilaanyo.

Fadhigan oo shalay subax ka qabsoomay xarunta aqalka golaha Guurtida oo uu shir-guddoominaayey guddoomiyaha golahaasi Md.Saleebaan Maxamuud Aadan sida oo kalena ay ka soo xaadireen 122 mudane, ayaa ugu horeyn mudaneyaasha laga hor akhiriyey taariikh nololeedkii guddoomiyaha cusub ee Maxkamada-Sare Pro.Aadan Xaaji Cali. Waxaana fadhigan oo ay ku sugnaayeen 122mudane loo qaaday cod gacan taag ah guddoomiyaha cusub iyada cod aqlabiyad ah ay ku ogalaadeen 110mudane, halka ay ka aamuseen 11mudane, cid diidayna aanay jirin, guddoomiyahuna aanu codeyn, sidaasna uu ku ansaxay guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland. Dhanka kale guddoomiyaha cusub ee Maxkamada Sare ee Somaliland Pro.Aadan Xaaji Cali, ayaa fadhigaasi ka dib la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta, waxaana uu cabiray dareenkiisa ku aadan xilka cusub ee loo doortay isaga si aada uga mahad celiyey madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Siilaanyo xilka uu u magacaabay, waxaa kale oo uu tilmaamay in xilka loo dhiibay uu yahay mid aad u culus isla mar ahaantaana uu Illaahay ka baryaayo in uu ku garab galo.

“Dareenkaygu waxaa uu isagu jiraa waa Laba mid aad ayaan ugu faraxsanahay in kalsooni la isiiyey, oo ay Labadii aqal ee golaha Baarlamaank ay isiiyeen kalsooni midna runti waa mas’uuliyad culus oo marka ay bulshada dhexdeeda noqoto Illaahay hortiisa waa mid aad u culus, markaa taa hore ee kalsoonida dadku ugu qabaan ee codka la igu siiyey in aan ugu shaqeeyo ta kalena, waxaan Illaahay ka rajaynayaa in uu ii fududeeyo dedaal badana aan sameeyo.”.Ayuu yidhi Pro.Aadan Xaaji Cali.