Ciidamada AMISOM Oo Wakhti Aan U Qaban Qabsashadooda Kismaayo

0
548

 

kismaayoNayrobi, (Geeska/Xinhua) – Ciidamada nabad-ilaalinta AMISOM, iyo ciidamo gudaha ah ayaa shalay qabsaday magaalada Janay Cabdala, sida afhayeenka ciidamada Kenya, Col. Cyrus Oguna sheegay.  "Muddadii hawlgalka, ciidamada huwantu waxay la kulmeen iska-caabin badan saddexdii maalmood ee u danbeeyey ee keenay qabsashada magaaladan. Dhowr maleeshiyaadka Shabaab ayaa ku dhintay, hub iyo saanad badana waa laga qabsaday," ayuu Oguna ka sheegay Nayroobi.

 

Afhayeenka ayaa raaciyey in laba ciidamada Kenya iyo shan ciidamada soomaalida ka soo gaadheen dhaawacyo hawlgalkaa, "Ciidamadii dhaawacmay waxa loo qaaday magaalada Dhooblay," ayuu Oguna sheegay.

Janaa Cabdalla oo 50 km u jirta Kismaayo, ayaa qabsashadeedu keenaysaa guul ciidamada AMISOM iyo xulafadoodu ugu jiraan xoreynta magaalo-xeebeedka Kismaayo. 

Qabsashada magaaladan ayaa imanaya xilli saraakiisha qaramada Midoobay ee gargaarku kala hadleen ciidamada Kenya sidii loo badbaadin lahaa shacabka, maadama weerarada ay Kismaayo ku hayaan sii xoogaysanayaan.
Mark Bowden, U-qeybsanaha arrimaha gargaarka ayaa wada hadal Nayroobi kula yeeshay wasiirka Gaashaandhiga, Yuusuf Xaaji iyo jananka ciidamada Kenya, Gen. Julius Karangi, ka dib sii xoogeysigii weerarada ka socda Kismaayo, iyo qaxa shacabka ee magaalada. "Waan soo dhoweynayaa xaqiijinta Kenya inay yareeyaan saamaynat weeraradu ku keenayaan shacabka, isla markaana u sahli doonaan gargaarku inuu gaadho dadka baahan," ayuu Bowden sheegay shalay.

Hay’adda UNHCR, ayaa sheegay in shacab gaadhaya 3,500 qof ka qaxeen Kismaayo bilahii u danbeeyey.

Geesta kale, ciidamada Al-Shabaab ayaa la sheegay in shalay lagu arkay gudaha magaalada Kismaayo, waxaana mar kale shalay si rasmi ah magaalada looga dhagaystay idaacad FM ah oo afkooda ku hadasha.