Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Ayaa Sheegay Safaarada Somaliya ee Addis Lagu Karkarinaayo In Somaliland La Qaybiyo

0
827

 

Hargeysa(Geeska)-Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in safaarada Somaliya ee Addis Ababa lagu karkarinaayo in Somaliland la kala qaybiyo sida Somaliya oo kale.

Waxa uu Eng.faysal Cali Waraabe uu sheegay in reer Somaliland ay ku mashquulsan yihiin gudahooda isla markaasna haatan la wado in la kala qaybiyo dalka loona baahan yahay in arinta si fiican loo eego, waxaanu sidan sheegay isaga oo ka hadlaayay xaflad dalada dhalinayrada ee SONYO maamulkeeda cusub uu xilka kula wareegayo uu yidhi “ Nin la yidhaado Camay ayaa safiir looga dhigay Addis Ababa waa madaxweye ku xigeenkii hore ee Puntland, ninkaas waxa meesha loo geeyay inuu Somaliland qaso  in Somaliland uu jarjaro shalay waxa uu la kumay ninkii Somaliland iyo Somaliya u qaabilsanaa wada hadalada ee Turkiga  ahaa  iyo Dhooba Daarood, waxa halkaas laga wadaa in la sameeyo wax la yidhaahdo Maakhir State oo ah Sanaag  iyo Khaaatumo oo ah Sool iyo Sanaag iyo Cayn taasbaa IGAD laga soo ansixinayaa  horena waxa uu u casuumay ugaas Cabdirashiid  iyo Suldaan Siciidka Badhan iyo Fahad Yaasiin Julay 14-keedii, waxaas ayaa inagu socda in Somaliland laga dhigto sida Somaliya oo la jarjaro oo laga dhigo dawlad gobaleedyo, waxaasna waxa inaga qarinaaya mirankeena gudaha ayaan ku noqonay  ayaynu ku buuqsanahay  waxay ila tahay inaan madaxa kor u qaadno, Masraxii dibada oo dhan waan ka maqanay meelahii arimaha Somaliya lagu waday waan ka maqanahay  saaxiib kaliyaata oo waar ka daaya leh ma haysano aduunka inaguna waan isku meeraysanaynaa,dhalinyaradiina waxaan leeyahay ka wacyigashanaada  intaan isku maqanahay waa laynagu maqan yahay inagana.”

Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Anigu waxaan doonayaa insha allaahu inay doorasho dhacdo oo doorasho waa idiin dan  dalka iyo dawlada waa u dan  oo magacbay ku helaysaa, qoladan is xilqaantay ayaan sugaynaa insha allaahu laakiin waa inaan sharciga ilaashano, inaan sharciga ilaalino weeye  waa in codkiina la maqlaa meesha waxa ka maqan waa codkii dhalinyarada.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here