Roobab Dabaylo Wata Oo Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac Isugu Jira Ka Gaystay Xeebaha Somaliland

0
642

 

Hargeysa(Geeska)-Roobab dabaylo wata ayaa khasaare kala duwan ka gaystay xeebaha Somaliland bari ilaa galbeed.

Waxa la shaaciyay haatan in hal qof uu ku dintay, 18 ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen dabaylaha iyo daadadka sida oo kale tiro xoolo ah iyo in ku dhow 11 guri ayaa la sheegay inuu iyagana badhna qaaday badhna dumiyay.

Wararkan oo hordhac ah ayaa la filayaa in khasaaruhu uu intan ka sii bato, waxaana maalmahan laga digaayay duufaano ku dhufan doono maamul gobaleedka Puntland isla markaasna soo gaadhi doono xeebaha Somaliland, kaas oo hada bilaabmay.

Ugu horayntii Maxamed Axmed Caalin Tiinbaro badhasaabka gobalk Sanaag ayaa shaaciyay khasaaraha jira isaga oo ku sugan Ceerigaabo  “ Xaggii Xeebaha roobku waa uu ku xoogan yahay ilaa hadana wax khasaare ah waxa la soo sheegay lix guri  oo uu ka dumiyay Maydh iyo shan guri oo uu ka dumiyay Xiis  iyo xoolo  aan tiradooda la soo sheegin oo uu qaaday, aad ayuu xagaas ugu xoogan yahay.”

Faysal Cali Sheekh guddoomiyaha haayada aafooyinka iyo kaydka qaranka ayaa shaaciyay khasaaraha ay dabaylaha iyo roobabku sababeen, waxaanu ka digay  in 48 saacadood ee soo socdana la filaayo inay roobabka iyo dabaylaa uu duufaanku sababay ay sii socon doonaan, waaxaanu isaga oo la hadlaayay Saab Tv uu yidhi “ Guryo iyo waxyaabo kale waxbay yeeleen, dad waa ay barakiciyeen  xoogaa xoolo ahna waxyeelo ayay  u gasyteen dhinaca Saylac iyo deegaanada hoos yimaada, dhinaca barigana guryo ayaa uu dumiyay  tuulooyinka Maydh iyo Xiis  Laaso-surad iyo aagaas, xoolo waxyeelo ayay u gaysteen  wiil dhalinyaro ah waa uu u dhintay, 18 qofna dhaawacyo ayaa soo gaadhay, waxa uu wax u gaystay biyahii Lawyacado, Doqoshi ceelashii milixda ayuu aasay, tuulooyinka Xaashi Cado iyagana waxbuu yeelay.”

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here