“Muranka Siyaasadeed Ee Dhaqanka Inoo Noqday Inay Ka Korno Oo Aynu Dimuqriyada Kaga Dhabeeyno Weeye”

0
570

 

“Wax Is Qabanaya Maaha Dal Madax Oo Aqoonsi Raba Ayaan Ahay Haddana Arimahayga Guddaha Xalin Maayo”

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ku baaqay in laga koro oo laga ilbaxo muranada siyaaseed ee soo noq-noqda, waxaanu ku taliyey in wax kasta oo la isku hayo xalka ugu haboon laga gaadho, xilli uu taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo ku waajahan Komishanka Doorashooyinka ee Goluhu ka tirsan yahay dhawaan uu ansixiyey.

Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay dacwada ay Madashu ka gudbisay Golaha Guurtida, waxaanu ugu horeyn yidhi “Muddo 30 sanno ku dhaw ayeynu dal ahaan jirna, ilaa haddana murankeena siyaasadeed uu taagan yahay, markaas muranka siyaasadeed ee dhaqanka inoo noqday inay ka korno oo aynu Dimuqriyada kaga dhabeeyno weeye, haddii kale oo muranka iyo khilaafku sii socdo waa dhibaato weyn, wax is qabanaya maaha dal madax oo aqoonsi raba ayaan ahay haddana arimahayga guddaha xalin maayo, arimahan taagan ee ku saabsan Komishanka, waxaa sabab u ah Xisbiyada, maxaa yeelay haddii mar horeba laga heshiin lahaa waxani may dhaceen, haddii uu Komishankani sii joogi yo haddii Komishan kaleba yimaado waxaa soo horeeynayaa waa Doorashada Barlamaanka, Doorashada Barlamaankana Musharax kasta isaga ayaa codkiisa ilaashada, oo ogaada codkiisa, cid musuqi kartaana ma jirto, markaas anigu waxaan soo jeedin lahaa oo aan ku talin lahaa ha la xaliyo muranka ku saabsan arimaha taagan,dalkuna bilaa Barlamaan ahaan maayo, ee inta la helayo Barlamaan na bedela, oo la soo doortay anagu waanu joogaynaa”.

Mar uu ka hadlaayey aragtidiisa ku waajahan dacwada ay Madashu ka gudbisay Guurtida ayaa ku jawaabay “Dalku sharci iyo xeerar buu leeyahay,sidaas darteed meel ay Madashu kaga qoran tahay inay dacwad ka gudbiso Guurtidu ma jirto, sidaas darteed Masha waxaan ku tilmaami lahaa dhidir ogod kiciyey oo kale, waxaan leeyahay wixii talo ah waad sheegi kartaa, laakiin xaq uma lihidin inaad cid dacwad ka gudbisaan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here