Gudoomiyaha Guuritda Oo Sheegay In Madaxweyne Silanyo Ergadooda Aqbalay  

0
545

Picture4Hargeysa (Geeska)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in maslaxadii iyo isku soo dhaweeyntii ay ka dhex wadeen Labadii Garab ee Xisbiga Kulmiye u kala jabay inay meel aad u wanaagsan u marayso, oo ay soo afjari doonaan khilaafka ka dhex aloosan Xisbiga Kulmiye, waxaanu sidoo kale caddaayey in Garabka taageersan Madaxweynuhu ay aqbaleen in Shirkooda Golaha Dhexe ee ay Maanta u balansaana inay qabtaan in ay dib u dhigaan, halka ay hore u aqbaleen Garabka Muuse Biixi.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo Shalay Shir Jara’iid ku qabtay Xarunta Golaha Guurtida, ayaa Bulshada reer Somaliland ka codsaday inay dhex noqdaan, oo aanay cidna garabka saarin, Nabadgeliyadooda iyo Amaankooda ilaashadan, waxaanu yidhi isaga oo arintan ka hadlay  “Dhinicii Madaxweynuhu hogaaminayey way aqbaleen in Shirkii ay Bari (Maanta), qaban lahaayeen dib u dhigaan, in arintaas guda galno oo aanu dhex dhexaadino, way aqbaleen Qoladii horena iyana way aqbaleen aad iyo aadna waan ugu mahadnaqayaa,    Qoladan waxaan leeyahay aad ayaad u mahadsan tihiin, waxa aynu wada wadnaana waa danta Qaranka, ILLAAHAY-na waxa aan ka codsanaynaa oo aynu ka baryeeynaa in hawsha aynu wadno inuu guul inoogu dhameeyo, Dadweynahana reer Somaliland waxaan leeyahay xooga yar oo dhaq-dhaqaaqa ayaanu idinku arkaynee, Raggu way is qabtaan, waad dhex dhexaadin lahaydeen ee Qolana lama raaco, Dadka inoo dejiya, Dalka inoo dejiya, Nabadana suga, oo aynu wada sugno, Dawladdana aynu la wada shaqaayno oo aynu nabada kala shaqaayno, horena Khilaafkeena Nabad, wada hadal iyo is afgarad ayaanu ku dhameeyn jirnay, waxaana leenahay Nabada inoo xejiya”

Guddoomiyaha Guuritada oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Mar haddii labadii qeybood ee Xisbiga ahaa ee is qabsaday ee khilaafku dhex maray ay aqbaleen inay Guuritada ku wareejiyee, ta qaalibka ah ee rasmiga ah waa tooda”