Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Beesha Caalamka Ugu Baaqay In Aan Somaliland Lagu Celin Wakhtigii Adkaa Ee Ay Ka Soo Gudubtay

0
571

biixiHargaysa(Geeska )-Gudoomiya xisbiga muxaafidka ah ee Kumiye Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa beesha caalamka ugu baaqay in aanay Somaliland ku celin wakhtigii adkaa ee ay ka soo gudubtay, waxa kale oo uu Somaliya u soo jeediyay inay aqbasho in Somalidu ay maanta noqoto laba dawladood oo sidii isticmaarkii reer Yurub kaga tagay ah, oo is ictiraafa.

Gudoomiye Muuse Biixi waxa uu xusay inay Somaliland dhibaato xoogan kala kulantay midnimadii ay raadinaysay ee Somaliweyn, ayna imika ka soo kabteen dhibaatooyinkii xooganaa ee gaadhay intii Somaliya ay lamidoobeen.

Waxa uu gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye uu hadalkan ka sheega mar uu ka hadlaayay shalay munaasibad lagu soo bandhigayey mid ka mida musharaxiinta xisbiga Kulmiye u tartami doona doorashada golaha deegaanka ee caasimada.

Ugu horayn gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye oo  ka hadlaya shirkaas waxa uu yidhi“Shir ayaa ka dhacaya magaalada London kaas oo ah nooc inagu cusub, barigii aynu isku darsanay koonfurta intaynu shir iskugu nimid kumaynaan wada hadlin  oo heshiis maynaan gaadhin,barigii lixdankii qoladeenii London tagtay waxay yidhaahdeen xoriyad ha nala siiyo dabadeedna ingiriisku wuu ina siiyey,koonfurtuna dawlad ayey ahaayeen inaga uunbaa hoosta ka galnay oo ku darsanay iyada oo ay jirtay jibo dad. Maanta ilaahay wuxuu qadaray inuu aduunku inagu dhex dhexaadiyo sidii aynu u kala bixi lahayn wadanka Somaliya,waana markii ugu horaysay ee Somaliland iyo Somaliya caalamku soo dhex fadhiisto oo la yidhaa maxaad isku haysaan?

 

Waana talaabo adag oo guul inoo ah, labaatan sanadood oo aynu dal madax banaan oo ictiraaf doona ahayn iyo sodon ka horeeyey oo aynu ku jirnay halgan af iyo adinba ah oo aynu u hurnay wixii ay aduunyo lahayn,wixii gaashan qaad ahaana aynu iska dilnay,dumarkeenii iyo caruurteenii silic u dhinteena, kontonkaa sanadood maanta ayeynu haynaa in la yidhaa maxaad isku haysaana oo caalamku ina soo dhex fadhiisto?

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biix Cabdi waxa uu sheegay in garta u dhaxaysa Somaliland iyo Somaliya ay tahay mid dhaw “Garteenu way dhawdahay,Somaliduna hadii aanay is diidsiinayn gartaasi waa inay ka gargaaban.Waxaanu leenahay lixdankii laga bilaabo ilaa sagaashankii oo aynu isku darsanay oo anu doonaynay inaanu shantii Somaliyeed horseedno wixii naga soo gaadhay waxay ahayd konton kun oo dhimasho ah,boqol kun oo dhaawaca iyo wixii aanu dhisanay ee magaalooyinkayaga ku yaalay oo la rogay.”?Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay wixii Somaliland u qabsoomay mudadii ay xoriyadeeda haysatay iyo halka ay Somaliya taagan tahay waxaanu yidhi ?“Labaatan Sano oo aan cidina na ictiraafin oo dhaqaale daro na haysay oo halkan nalagu ooday waxaanu ka macaashnay waxa dhalinyaro wadanka ku sugan oo jaamiciyiin ah oo maanta kuwii waxbarashada ka soo bilaabay qaxoontigii ay jaamacadihii ka baxeen oo ay macalimiin ka noqdeen oo ay yihiin siyaasiyiin la dooranayo. Labaatankaas sanadood wadanka Somaliya cid waliba way u soo gurmatay oo waa la kala qaban waayey ,Maraykan ayaa ku fashilmay,sodon dawladood oo isugu yimi ayaa ku fashilmay, walina dhibtoodu waa ay soctaa.”

Ugu  danbaytii gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biix Cabdi waxa uu fariin u diray beesha caalamka waxaanu sheegay inaanay Somaliland qaban inay meel ay ka soo gudubtay dib loogu celiyo waxaanu yidhi “Horta ilaahaybaa mahad leh na garan siiyey caqliga aanu koobyo sagaashankii dabkooda kaga baxsanay.Caalamka waxaanu leenahay nama qabato inaanu meel aanu ka soo gudubnay dib ugu noqono, shirkana hal qodob ayaa noo yaala gudida Somaliland matalaysana waanu isku ognahay,Wadanka Somaliya waxaanu leenahay waxaynu kala taaganahay halkii aynu kala ahayn 26-june sanadkii 1960, laba dawladood oo Yurub ka xorooobay ayeynu nahay oo kala ah laba qaran oo u baahan inay is ictiraafaan oo iskaashadaan.Midnimaduna  halkii aad dhigteen ayey taalaaye yeynaan waxba taa soo qaadin”?