Burco: Salaadiin U Guntaday Colaada Buuhoodle Oo Ka Hadlay Halka Ay Wax U Marayaan

0
583

Burco(Geeska)-Qaar ka mid ah salaadiinta Somaliland oo muddooyinkii u danbeeyay  ku hawlanaa gogol-nabadeed oo ay doonayeen in ay ku soo afjaraan  dirirtii colaadeed ee ka taagnayd deegaanka Buuhoodle iyo Qorulugad  ayaa ka hadlay qodobo baajiyay gogoshaas nabadeed.

 

Salaadiintan oo  shir jaraai’id ku qabtay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa sidoo kale canbaareeyay falkii kooxaha hubaysani geysteen  ee habeen hore  ka dhacay tuuladda Gawsoweyne ee deegaanka Saraar ,kaasi oo ku dhinteen dad rayid ahi halka kuwo kale-na ay ku dhaawacmeen.

Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay Suldaan Barre Shire Warsame, waxaanu yidhi “Waxaanu  salaadiintayadani ka mid nahay  ,salaadiintii halkan ka tagtay si ay usoo afjaraan colaadii ka taagnayd deegaanka Buuhoodle iyo Qorulugad mudaanu wadnay hawshaas ,madaxweynaha ayaanu markii hore u gudbinay si uu arinkaasi nooga taageero waanu naga aqbalay sidaa awgeed waxaanu isla garanay in aanu gogosha nabada dhigno deegaanka Kililka shanaad ee Itoobiya gaar ahaan tuuladda Hayo-weyne ,dawladda Somaliland-na fasax ayay safaarada Itoobiya nooga keentay ay ku ogolaanayaan deegaankaasi in aanu shirkaa ku qabano ,sidaa awgeed waxaanu halkan ka cadaynaynaa hawshii aanu wadnay waxa is hortaagay Ciidanka Liyuu booliska ee ka hawlgala kililkaasi.”

Suldaanku, wuxuu sheegay inay gogoshii nabadeed u soo rareen gudaha Somaliland, “Waxaanu kale oo aanu halkan ka sheegaynaa gogoshii nabada ee aanu wadnay waxaanu usoo rarnay deegaanka Balidhiig oo aanu maalmaha soo socda dhigi-doono.”

 

Waxa Kale oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay Suldaan Maxamuud Guuleed waxaanu beeniyay hadal ka soo yeedhay badhasaabka gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayar oo sheegay gogosha Madaxweynaha Somaliland hore ugu fidiyay beelaha ku dhaqan deegaanka Buuhoodle in uu u xilsaaray salaadiintan .

“Waxaanu halkan ka beeninaynaa hadal ka soo yeedhay badhasaabka gobolka oo sheegay gogoshan nabada ee aanu wadno in ay tahay tii madaxweynuhu balanqaaday sidaa awgeed waxaanu halkan ka cadaynaynaa gogoshani in ay tahay mid anaga noo gaar ah oo aanu isu xilqaanay ,kuna qaban-doono deegaanka Balidhiig ,waxaanau ka xunahay falkii waxashnimada ahaa ee shicibka lagu laayay  ka dhacay deegaanka Gawso-weyne  .

 

Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale waxaaney dhamaantood salaadiintani canbaareeyeen falkii weerarka ahaa  ee ka dhacay Tuulada Gawso-weyne ee gobolka Saraar oo ay gasteen kooxo hubaysani. Waxaaney usoo jeediyeen dadkii falkaasi lagu waxyeeleeyay ama lagula kacay in ay samraan isla markaana xisiloonidooda ilaashadaan iyo wada jirkooda