Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Dawlada Oo Beeniyay Warar Ay Warbaahinta Qaar Ka Qortay

0
3772

Picture4Hargeysa(Geeska)-Guddomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Nuux Sheekh Cumar Sheekh Muuse Ducaale, ayaa ka hadlay shaqaalaha dawladu ay qaadanayso ee ku jira miisaaniyada ilaa markaasna ka jawaabay war uu mid ka mid ah warbaahintu ka baahiyay arinta shaqaalahaas.

Waxa uu gudoomiyahu meesha ka saaray inay  jiraan waxa shaqaale ah oo ay masuuliyiin dawlada ahi ay qaateen. Waxaanu sidan ku sheegay shir jaraa’id oo uu kula hadlay war baahinta waxaanu ku bilaabay sidan “ Waxan halkan Shirka Jaraa’id ugu qabanayaa in aan ka jawaabo Dhaliilo badan, iyo been Abuur badan, iyo waxaan jirin oo naloo galiyey Warbaahinta, Runtii Had iyo jeer wax uu muran ka jiraa war Warbaahinta galay oo ah Kun iyo Shan boqol oo shaqaale ah. Runtii 15,00 ee shaqaalaha ahi way jiraan oo Miisaaniyadda waa lagu daray, in kasta oo aan Sax loo odhan Karin waa kun iyo Shan boqol, lakiin tirro ku dhaw ayaa jira waa ilaa 1100 Qof, ayaa miisaniyadda ku jira, Shaxda aan ku arkayey Jariiradda Waaheen, iyo Warbixin aan siiyey Jariirada la yidhado Jamhuuriya wax faraq ah oo u dhaxeyey ma jirto, waxaan jamhuuriya kaga hadlay iyo waxa ay Waaheen qortay waa Isku mid.”

Isag aoo hadalkiisa sii watana wax uu yidhi.”Laakiin ciwaanka wax uu ka dhigay Nuux iyo Madaxweynaha iyo ninka Xirsi ee wasiirka ah iyo Cabdicasiis Afarta keeba been sheegaya, waa ceeb qaawan runtii, aniga madaxweynaha waa ka i magacaabay, madaxweynaha iyo wasiiradiisuba runtii sharaf ayey iga mudan yihiin markaan aniga shakhsiyan iska hadlayo, runtii dad wada shaqayntoodu aad iskugu dhaw nahay ayaanu nahay, Runtii Wargeysku Afartayada sawiradooda ee uu soo dhigay wuxu doonaya in aanu isku dhacno, laakiin dad ka caqli badan oo ka weyn oo ka waayo aragsan ayaanu nahay, wax Alle iyo wax ka suurta galaya u jeedadu ka lahaa ma filayo in ay dhacayso.”
Mar uu ka hadlayey Shaqalaha ay qaaten sanadkan wax uu yidhi.“Anigu Cidna uma habrado oo ma idhado hebel ayaa caynkaa ah, iyo hebel aaya shaqo kaa eryeye, iyo hebel ayaa sidan ah, Runtii Anigu Waxan sheego in sida ay tahay loo sheego ayaan jecelahay, runtana kama meeraysanyo, intii aan Shaqadan hayey, 2036 Shaqaale ah ayaanu Qornay oo rag iyo dumarba leh, waa dadka aanu shaqalaysiinay waa sanadkii 2012, Lakiin Sanadkan 2013 oo miisaniyadda noogu jirtay 1,500 oo shaqaale ahi, imika Waxanu ka Shaqaalaynaya 493 Qof wixii miisanayida noogu jiray sidii ay hayd ayey u soconayaan,.”Ayuu yidhi.