Mudane Ka Tirsan Baarlamaanka Kanada Oo Shacabka Somaliland Ku Hambalyeeyay 18 May

4
499

Picture5Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Jim Karygiannis, oo ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Kanada, ayaa shacabka Somaliland ku bogaadiyay maalinta la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland ee 18 M ay oo toddobaadkan si weyn loogu dabaal degay.

Xildhibaan Jim, oo saaxiib dhow la ah bulshada Somaliland ee Kanada, dhawr goorna safaro ku yimid magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, wuxuu toddobaadkan soo saaray qoraal uu ugu tallo galay inuu shacabka Somaliland kula dabaal dego, kaas oo uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay Internetka.  “Waxaan jecelahay inaan fursadan uga faa’iidaysto inaan hambalyo u diro bulshada Somaliland ee reer Kanada ee u dabaal degaysa maalinta madaxbanaanidooda. Somaliland oo ku taala geeska afrika, waxay xorriyadeeda la soo noqotay 18 May 1991.” Sidaas ayuu xildhibaanku ku yidhi qoraalkiisa, waxaanu ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo maartay oo uu ka soo bilaabay maxmiyadii Ingiriiska ee 1884, xorriyadii ay Ingirisika ka qaadatay 1960 iyo midowgii fashilmay ee ay la gashay dalka Somaliya, waxaanu sheegay in midowgaasi uu sannadihii hore u muuqday mid shaqaynaya balse laga soo bilaabo sannadkii 1970 uu sababay xasuuq. “ 1991kii markii ay dalwadii dhexe ee Jamhuuriyadii Somaliya burburtay, dhulkan oo loo yaqaanay British protectorate waxay ku dhawaaqday madaxbanaani.” Ayuu qoraalkiisa ku yidhi xildhibaan Jim. Wuxuuna intaas ku daray in Jamhuuriyadda Somaliland aanay dunida ka helin ax aqoonsi ah balse haddana ay dawlado badani la macaamilaan. “Somaliland waxaan booqday laba goor, waxaanan goob jooge caalami ah ka noqday doorashooyinka.” Ayuu qoraalkiisa ku yidhi, waxaanu sheegay inuu u hanwenyahay dedaalka aqoonsi raadis ee Somaliland.

Comments are closed.