Guddoomiye Cirro Oo Ka Jawaabay Dhawaaqii Ka Soo Yeedhay Madaxweynaha Somaliya

0
509

ciroHargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, ahna hogaamiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa si adag uga hadlay hadal ka soo yeedhay Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo uu ahaa in Somaliland dib ula midowdu dalka Somaliya.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale ka hadlay kulankii Guddoomiyaha xisbiga UCID la yeeshay Madaxwaynaha Somaliya iyo sidoo kale la wareegida maamulka hawada sare ee dawladda Federaalka Somaliya, waxaanu tilmaamay in aanu doonayn inuu arinta Faysal ka hadlo.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlaya qadiyadda Madax-banaanida Somaliland ayaa yidhi “Somaliland waa qaran ka da’ weyn Somaliya, gooni isku taaga Somaliland waa go’aan shacbi, cid kasta oo mugi kaga jiro ama tuhun kaga jiro in shacabka ka noqon karo go’aankaasi ama Madaxwaynaha Somaliya ha noqdo, ama cid kale ha noqotee shacabku wuxuu muujiyey inaan taasi suurto-gal ahayn, Somaliland way ka wayn tahay inay cid sheegato, waxayna diyaar u tahay inay nabadgalyo kula noolaato deriskeeda, hase-yeeshee waxay diyaar u tahay inay qarannimadeeda u difaacdo sidii ay awalba u difaaci jirtay”

Guddoomiyaha Waddani waxa kale oo uu soo qaaday isaga oo ka hadlaya hadalka Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud “Heshiiskii Somaliland iyo Somaliya waxa ka mid ahaa in laga fogaado wax kasta oo xajiimayn kara wadahadalkaasi, markaa Madaxwaynaha Somaliya iyo cid kasta oo arinkaasi ku fikiraysaba waxaan uga digaynaa oo aanu leenahay inay arinkaasi ka fogaadaan, go’aan diidmo ah iyo dareen diidmo ah ayaanu cid kasta oo gooni isu taaga Somaliland ka soo horjeeda ku diidaynaa. Wasiir Somaliya ah ama Madaxwaynaha Somaliya ha noqdee waxa la doonaya inay Somaliya mideeyaan oo Somaliland kuma jirto, markii horena qayb ka ahayn oo ay ku biirtay, markii dambana way ka soo baxday, arintaana si cad ayaanu u cambaareynaynaa, shuruucda qaramada midoobayna waxa ka mid ah in dadku aayahooda ka taliyaan, markaa waxaanu ka filaynaa inay ixtiraamto shuruucda” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Xukuumadda Somaliya, waxaan u soo jeedin lahaa in aanay ku riyoonin in Somaliland qayb ka tahay, qaranka Somaliland-na waxa uu xaq u leeyahay inuu xuduudihiisa difaaco, inuu qaramada midoobay iyo dawladdaha aynu jaarka nahay la hadlo, markaa Somaliland dhinac kasta way ka dagaalamaysaa, mana filayo in arintaasi ay ku guulaysan doonaan (inay la wareegaan maamulka hawada sare)”

Guddoomiye Cirro oo la waydiiyay sida uu u arko kulanka Madaxwaynaha Somaliya iyo Guddoomiyaha UCID ayaa ku jawaabay “Faysal saaxiib-baanu nahay, ma jecli inaan arintiisa aad ugu dheeraado, xisbiga iyo saxaafaduba way ka hadleen, laakiin mowqifkayagu waa in la iska ilaaliyo wax kasta oo qarannimada Somaliland wax u dhimaya”