Xisbiga Waddani Oo Qaabilay Taageerayaal Miisaan Culus Oo Ku Soo Biiray

0
537

Picture3Hargeysa(Geeska)-Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa munaasibad soo dhawayn ah u sameeyey Daa'uud Xusseen Jaamac(Food Cade), Mukhtaar Warsame iyo taageerayaal aad u tiro badan kuwaasi oo ahaa  xubno hore miisaan culus ugu lahaa Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye. Munaasibadan soo dhawaynta ah oo Shalay  ka dhacday Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Masuuliyiin sar sare oo Xisbigan ka tirsan, Guddoomiyaha Waddani ee Gobolka Maroodi-jeex Saalax Muxumed Idiris (Shiine), Xildhibaano, Xubnaha la soo dhawaynaayey,Madax dhaqameed iyo martisharaf kale oo aad u tiro badan,

Ugu horayn waxaa munaasibadaasi hadal kooban ka soo jeediyey Guddoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex ee Xisbiga Wadani Saalax Muxumed Idiris (Shiine) waxaana uu si aad u soo dhaweeyey Xubnaha ku soo biiray iyo Taageerayaashoodaba,waxaana uu carabka ku dhuftay in ay yihiin rag aad miisaan culus ugu leh deegaanka ay ka soo jeedaan, isla mar ahaantaana ay wax badan u tari doonaan Xisbiga Waddani, waxaanu sidoo kale dhaliil u soo jeediyey Xukuumadda Somaliland. waxa kale oo uu ka hadlay labadii Qarax ee ka dhacay Caasimadda, waxaanu bulshada ku Booriyey inay nabadgeliyada ilaashadaan. waxaanu sidoo kale dhaliil u soo jeediyey Xukuumadda oo uu ku eedayey inay iloowday waajibkii iyo xilkii ka saarnaa umadda, waxaanu sheegay inay iyadu dhexdeeda iskaga mashquushay.

Maxamed Sidiiq oo isna ku hadlaayey afka dhalinyarada ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani wuxuu sheegay in hadafka koowaad ee uu Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ka duulayaa uu yahay sidii loo badbaadin lahaa dhalinyarta maalinba maalinta ka danbaysa badaha isku guraysa,una abuuri doono shaqooyin aad u badan si ay uga leexdaan jidka dheer ee ay ku raad sanayaan in ay shaqo ku doontaan oo ay hoygooda shaqadii ay u baahnaayeeen ay ka helaan.

Xoghayaha Qorsheynta ee  Xisbiga Waddani Eng: Cabdirashiid Riyo Raac oo halkaas ka hadlay ayaa waxaa uu  sheegay in Xisbiga Waddani ay siyaasadiisu tahay sidii dalka looga saari lahaa dawlada nin kaliya ku dhisan waxaana uu yidhi “Siyaasadda Waddani waxay u taagan tahay inuu dalka ka saaro Dawlad ninkaliya ah iyo Dawlad Madaxtooyo kaliya ah”.

Waxaa iyaguna sida oo kale halkaasi ka hadlay Xildhibaano isagu jira kuwa Golaha Wakiilada iyo Golaha deegaanka  Gabilay ee Xibiga muxaafadka ah ee Waddani, waxaan ay dhamaantoodba si isku mid ah ay u amaaneen  talaabada geesinimada leh ee ay ku dhaqaaqeen Xubnahan aadka u firfircoon, waxaana ay carabka ku dhuften in ay ku soo dhawaynayaan Xisbi la wadaago waxii talo iyo tusaaleba ah kaasi oo qof walba la tix galinayo fikirkiisa in uu ku soo kor dhiyo Xisbiga iyagana si gaara loogu baahan yahay.

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay  oo  Mukhtaar Warsame Mire oo isagu ka mid ah Masuuliyiintii ku soo biiray Waddani waxaanu ka waramaya  sababta kaliftay in ay ku soo biiran Xisbiga Waddani waxaanu yidhi “Markii  aanu eegnay af gaabinida iyo anshax wanaagga Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ayaanu go’aansanay inyar ayaan doonayaa inaan u dhaadhaco  Xisbiga Kulmiye waxaana u habnoon inay si dagdega ah isku casilaan Shan Sanno oo dambe iskaba daayoo haday taagan tahay inay ku habnoon tahay inay meesha baneeyaan oo ay is casilaan”

Sidoo kale waxaa isna dhinaciisa ka hadlay Daa’uud Xuseen Jaamac [Foodcade] oo ka mid ahaa  Masuuliyiinta xafladdan  loo qabtay waxaana uu sheegay  inuu ku faraxsanayahay ku soo biirida xisbiga Waddani,  waxana  uu ka hadlay  khilaafka Xisbiga Kulmiye  waxaana uu yidhi"   Anigu makhraati baan ka ahay oo xisbiga Kulmiye isagaa igu wacan waana ayaan darro inuu Kulmiye yahay hogaan qaloocday taageerayaashayda halkaa soo fadhiya waxaan  ku qancinayaa inaan  noqon doono nin xagooda iyo xagga umadda kaleba u xaglindoona ,tii oo uu nin’ba doonayo inuu ninka kale khiyaameeyo ayaa lala kala jeedsaday waxa Kulmiye dhex yaalaan waa digadaa iyo dambaskii ay labadaa nin la kala jeedsadeen”

Xildhinbaan Rayte oo Ka mid ah xildhibnaada Golaha Wakiilada Somaliland oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu ka sheekeeyey marxalada uu haatan u dalka uu maryo isagoo si gaar ah uga shekeeyey halka uu salka uu ku hayo khilafka Xisbiga Kulmiye oo u ku sheegay in ay tahay afar qodob oo uu faah faahiyey  “Waxaan Maanta (Shalay) aad ugu faraxsanahay  inaan halkan ku soo dhaweeyo taageerayaal farabadan oo ku soo biiray xisbiga Waddani ee waxaad ku soo biirteen xisbigii dimoqoraadiyadda, xibiga Waddani,aduunyada way ka jiraan fikrado kaladuwan oo hadana halxisbi dhexdiisa ah xisbiga Kulmiye waxa uu necebyahay sharciga waa tan 1aad hadaad is tidhaado sharciga ka hadlana budhkaa ku saaran oo sababtii aan uga soo baxay 2aad waa qabyaaladda xisbiyadana waxaan u samaysaay inaan reeraha iyo qabiilka kaga baxno qabyaaladaasina waa waxay bulshadeenu ku qabsantahay halka ay umadaha kale ku qaybsan yihiin diimaha ay kala aaminsan yihiin iyo luuqada kaladuwan ee ay  ku hadlaan sidii aad arkayseen Madaxweyne Siilaanyo waxa uu liiskii golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ku soo galay isaga oo ah Madaxweynihii qaranka Liiska beeshiisa” Ayuu yidhi Xildhibaan Rayte Xoghayaha Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcade oo halkaa isna ka hadlay ayaa dhinacisa si aada u soo dhaweeyey Xubanaha iyo taageerayaashaba waxaana uu sheegay in ay yihiin horaantii tageerayaal kale oo Xisbiga ku soo fool leh in ay ku soo biiraan

Gabagabadii xafladdaasi waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxaanu sheegay inay si aad u soo dhawaynayaan, waxaanu dhaliilo u soo jeediyey Xukuumadda oo uu sheegay inay kaa gaabisay waajibkii loo igmaday ee Qaranka, waxaanu ku baaqay in Doorashada sida ugu dhakhsaha badan loo qabto, waxaanu yidhi  "waxaan marka hore aan salaamayaa dhamaanba Tageerayaasha iyo Madaxda Xisbiga,Marti sharafta iyo saxaafada,waxaan si niyad sami ah Xisbiga Waddani ugu soo dhawaynayaa  aniga oo ku hadlaaya dhamaan magaca Xisbiga madaxdiisa hawl wadeenadiisa iyo taageerayaashiisaba Mudane Mukhtaar iyo mudane daa'uud oo hareerahayga taagan iyo dhamaan taageerayaashooda, waxaan leenahay gacmo furan ku soo dhawaada,qalbi furan ku soo dhawaada,waxaad horseed u tihiin taageerayaal badan oo kale oo soo socda oo Xisbiga WADDANI ku soo socda"Ayuu yidhi Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI”.